FAARAX oo ku farxay tallaabadii BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheikh Abdulqaadir, ayaa si weyn u soo dhoweeyey ansixinta uu Baarlamaanka Federaalka Soomaalia uu maanta ansixiyey sharciga Golaha Adeegga Garsoorka. Wasiir Faarax wuxu ku tilmaamay ansixinta sharciga Golaha Adeegga Garsoorka talaabo weyn oo loo qaaday dhinaca Dib u habynta Cadaaladda dalka.

Sida ku xusan qodobka 109aad Xarafkiisa (B) ee Dastuurka ku meel gaar ka ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya, Golaha Adeegga Garsoorku wuxu ka koobnaan doonaa xubno ka kala imanaya Garsoorka, Garyaqaanno iyo Xubno bulshada Soomaaliyeed sumcad ku leh..

Doorka ugu weyn ee Golahan Adeegga Garsoorku wuxu noqon doonaa magacaabidda, dalacsiinta, anshax-marinta iyo daba-galka garsoorayaasha dalka laga bilaabo heer degmo, heer gobol illaa heer Federal.

“Ansaxinta maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee sharciga Golaha Adeegga Garsoorka waa horumar weyn oo laga sameeyey sidii dalka Soomaaliya uu u noqon lahaa waddan ay ka hirgasho sharciga iyo kala dambaynta”. Sidaa waxa yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Wasiirku wuxu intaa ku daray in guushan maanta ay horseed ka ahaayeen iskaashi buuxa iyo wada-shaqayn dhab ah oo ay wada sameeyeen golayaasha qaranka, waxa kale oo wasiirku xusay in ansixinta sharciga golahani salka ku hayo fulinta go’aamadii ka soo baxay shirweynihii qaran ee dib u habaynta Garsoorka ee Madaxweynuha jamhuuriyaddu hormuudka u ahaa.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo maanta la hadlayey saxaafadda ayaa u sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay dib u habayn rasmi ah ay ku samayso garsoorka dalka si loo xaqiijiyo in garsoorka dalku noqdo mid caddaalad ku dhisan oo loo siman yahay dadkuna la xisaabtami karaan. Wasiirku waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in maaddaama aan cagta saarnay waddaddii nabadda iyo dhismaha qaranimada loo baahan yahay in la habeeyo oo la horumariyo cadaaladda iyo garsoorka si loo soo celiyo kalsoonidii dadku ku qabeen nidaamka dowladnimo iyo sarraynta sharciga.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu xusay inay lagama maarmaan tahay in shacabka Soomaaliyeed qayb mug leh ka qaataan hirgelinta dib u habaynta cadaaladda. “Iskaashigaas iyo gacmo is qabsashadaas oo keli ah baa lagu horumarin karaa cadaaladda dalka. Sharciga oo lagu dhaqmo, la fuliyo isla markaana la’ aamino oo lagu kala baxo ayaa lagu gaari karaa nabad, cadaalad iyo xasilooni” ayuu wasiirku ku soo gunaanaday hadalkiisii.

Muddo ka badan 23 sano Nidaamka Garsoorka Soomaaliya waxa ka maqnaa awooddii ama golihii magacaabi lahaa, dallacsiin lahaa, asnshax marin lahaa isla markaana la xisaabtami lahaa garsoorayaasha dalka, sidaa darteed ansixinta maanta Baarlamaanku ansixiyey Golaha Adeegga Garsoorka Soomaaliya waxa ay bilow wanaagsan u noqon doontaa barnaamijka dib u habaynta cadaaladda dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com