Malaayiin Soomaali ah oo ka walwalsan go’aan la filayo in Mareykanku gaaro

Minneapolis (Caasimada Online) – Malaayiin qof oo Soomaali ah oo ku nool goobaha ay colaadaha ka jiraan ee dalka ayaa ka cabsi qaba in ay waayaan lacagta ay u soo diraan eheladooda jooga qurbaha, taas oo ka dhalatay go’aanka Mareykanka uu ku doonayo in uu ku joojiyo adeegga xawaaladaha dhammaadka bisha July ee soo socota.

Hay’adaha xakamaynta ee Mareykanka ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in la diro lacag sharci-darro ah ama in maleeshiyaadka ay ka faa’iideystaan, balse qoysaska Soomaalida ah ayaa sheegay in ay u cabsi qabaan mustaqbalkooda, haddii ay waayaan lacagta loogu diro xawaaladaha.

Dibadbaxyo ayaa horay loogu qabtay bannaanka hore ee xafiiska waaxda Hanti-dhowrka Mareykanka ee magaalada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minneapolis, kuwaas oo looga soo horjeeday go’aanka xukuumadda Washington.

Dibadbaxyadaas ayaa lagu dalbaday in sharci-dejiyeyaasha Mareykanku ay beddelaan siyaasaddooda, si qoysaska Soomaalida ah ay u helaan lacag ay u soo diraan eheladooda ku nool dalka Mareykanka.

Bilihii la soo dhaafay bankiga Barclays ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa dedaal weyn ugu jiray sidii uu u xiri lahaa xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida oo ay ugu horreyso Dahabshiil.

Daraasad ay sanadkii hore sameeyeen hay’adaha gargaarka bini’aadannimada ayaa lagu sheegay in 40 boqolkiiba qoysaska Soomaalida ah ay ku tiirsan yihiin lacagta ay eheladooda uga soo diraan waddamo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis

Caasimada@live.com