Qoys ka kooban 6 oo dhacdo xanuun badan ay qasabtay kadiba dishay ilaa..

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaan dhanka bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay ku sumoobeen qoys ka koobnaa lix ruux.

Wararka ayaa sheegaya in dadkaasi Sumoobay ay ahaayeen seddex caruur ah, aabaha iyo  hooyada qoyska iyo ayeeyadood, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo saxaafada la hadlay.

Mid kamid ah dadka ehelka la ah qoyskaasi ayaa sheegay in hooyadii ilmaha dhashay ay u geeriyootay raashiinka sumeysan ee ay cuneen iyadoo laga soo gaari waayay in lasoo garsiiyo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shan ruux oo ka kooban caruurta, aabahood iyo ayeeyadood lasoo gaarsiiyay isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo.

Dadkaasi ayaa la sheegay in lagu baxnaaninayo iminka isbitaalka Keysaney oo muddooyinkii dambe la keenayay dadka kusoo sumooba waxyaabaha ay cunaan iyo waxay cabaan.

Dowlada Soomaaliya ayaanan waxli wax war ah kasoo saarin arimahaa mudooyinkii dambe kusoo laalaabtay deegaanada gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com