Xildhibaan Cosoble oo ka digay dagaal ka dhasha aqoonsiga maamulka 3-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Barlamaanka Federalka Somalia, Xidlhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa walaac xooggan ka muujiyey tallaabadda ay Xukuumadda Federalka ku aqoonsatay Maamulka cusub ee Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Xildhibaanka waxa uu intaasi ku daray in laga cabsi qabo inuu Maamulkaasi iska hor keeno dadka ku wada nool Goballadda ay sheegeen inuu Maamulkooda gaarsiisan yahay , isla markaana uu wax u dhimi karo Xasiloonida Somalia iyo guud ahaan dalalka deriska iyo Caalamka.

Waxa kaloo uu ku baaqay in si nabad ah lagu dhameeyo Xiisadda haatan u dhexeyso Taageerayaasa Lixda Gobal iyo kuwa Saddexda Gobal (Bay, Bakool iyo Sh/hoose)

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Barlamaanka Federalka Somalia, waxa uu carrabka ku adkeeyey inaysan Maamulka Koonfur Galbeed Somalia aqoonsi ka heli karin Caalamka ilaa ay oggolaansho guud ka haystaan dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cosoble waxa uu ugu dambayntii ugu baaqay Beesha Caalamka inaysan taageerin Maamulladda aan sharciga ku dhisnayn, isla markaana khatarta ku ah Deganaanshaha dalka Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com