Somalia iyo Kenya oo heshiis cusub ku galaya Muqdisho iyo shaki badan oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiis saddex geesood ah oo ay yeelanayaan dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu saxiixo magaalada Muqdisho.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameerika” ayaa sheegay in heshiiskaasi saddex geesoodka ah uu ka dhacayo gudaha magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kale shaaca ka qaaday inay jiri doonaan heshiisyo ammaanka quseeya oo iyagana la qabanayo.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya waxa uu sidoo kale xusay in dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay si weyn isu fahmeen arrimo bandanna isla meel dhigeen.

Dad badan ayaa shaki ka muujinaya heshiiskan cusub, ayaga oo aaminsan inaysan Kenya fulin doonin, maadaama Kenya ay horey uga baxday heshiisyadii hore.

Dhinaca kale, Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Kenya ay si rasmi ah safaaradeeda uga furanayso magaalada Muqdisho, isagoo xusay in xafladda furitaanka safaaraddaasi ay ka soo qeyb geli doonaan mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Kenya oo ay horkacayaan madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya iyo wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa safar qaatay afar maalmood ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna kulamo la qaatay madaxda dalkaas oo ay ka mid yihiin madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, wuxuuna Ra’isul mwasaaruhu dalka Kenya ku saxiixay heshiiska waddamada ACP oo ay Soomaaliya ka mid noqotay 25 sanno kaddib.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com