Hogaamiyayaasha sare ee Al-Shabaab ‘oo kala qeybsamay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka laga soo tago sheegashada Al-Qaacida ee ah in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tahay koox ku dayasho mudan, marka loo eego kooxaha kale ee ururkaan ka tirsan, islamarkaana ay guulo ka gaartay howlgaleeda, sida lagu sheegay majaladda Al-Qaacidda ee soo baxay 26 Agoosto ee sanadkaan, waxaa muuqata in warbixintan lagu qarinayo dhibaatooyinka ay kooxdaan u geysatay dadka shacabka ah iyo khilaafka dhanka hoggaanka ah ee kooxdaan ka dhex jira.

Kala qeybsanaanta soo wajahday ururka Al-Qaacidda ayaa hadda u muuqata inay u gudubtay gudaha kooxaha hoos taga ururkaan, sida uu baahiyey taleefishinka Akhbaar Alaan ee dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa weli sii socda kala qeybsanaanta ka dhex jirta ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama, gaar ahaan hoggaamiyaha ururkaasi Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda) iyo garabka uu hoggaamiyo Mahad Karataay oo ah madaxa Amniyaadka koodaan, ayuu yiri taleefishinka

Waxaa fashilmay dib u heshiisiin laga dhex sameynayey labada nin ee is heysta waa Abuu Cubeyda iyo Mahad Karataay.

Mahad Karataay ayaa marba marka ka dambaysa soo diraya fariimo muujinayo hamigiisa xilka ugu sarreeya kooxdan iyo inuu diyaar u yahay inuu qabto hoggaanka, waxayna arrintaan si weyn u soo shaac baxday markii uu fashilmay duulaankii Militari oo ay kooxdaan ku qaaday bariga Itoobiya bishii July ee lasoo dhaafay.

Duulaankaas waxay kooxdu ku weysay boqolaal ka tirsan ciidamadeeda oo dagaalka lagu dilay.

Garabka Mahad Karataay ayaa duulaankaas kadib billaabay inay muujiyaan inuu jiro daciifnimo dhanka hoggaanka ah, isla markaasna loo baahan yahay in isbadal lagu sameeyo hoggaanka sare ee kooxdaan.

Garabkaasi wuxuu rabaa inay iyagu markaan qabtaan hoggaanka, waxaana booskaas u sharaxan Mahad Karataay, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Akhbaralaan.

Maadaama xaaladda caafimaadka ee hoggaamiyaha kooxda Axmed Diiriye Abuu Cubeyda ay sii xumaaneyso waxaa sare u kacay jaanisyada uu Karataay u leeyahay inuu ka dhex muuqdo kooxda.

Hamigiisu wuxuu sare u sii kacay wixii ka dambeeyey markii la dilay ninkii loo diyaarinayey hogaamiyaha kooxda oo ahaa Cabdalla Naasir, kaas oo bil ka hor lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

Cabdalla Naasir ayaa kamid ahaa musharixiinta ugu cad cad ee xilka uu sii baneynayo Axmed Diiriye, maadaama uu ahaa isku duwaha dhammaan howlaha kooxda, wuxuuna qaabilsanaa dhanka dagaalka, sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Karatay ayaa mudooyinkii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqday warbaahinta, taas oo loo arkay inay tahay mid uu isku suuq geynayo, isla markaasna uu ku muujinayo mowqifka kooxda.

Wuxuu dhawaan Mahad Karataay wareysi siiyey TV-ga Channel 4 ee dalka Ingiriiska, wuxuuna wareysigaasi u muuqday mid horudhac u ah xil-wareejinta Diiriye iyo isku dayga lagu doonayo in lagu soo bandhigo hoggaanka la filayo.

Karataay ayaa wareysigaas ku sheegay in kooxda Al-Shabaab ay diyaar u tahay inay la wareegto hoggaanka dalka oo dhan, isla markaasna aan la cabsi gelin karin.

Sidoo kale Karataay ayaa maamula lacag aad u badan oo ay hesho kooxdaan, waxaana warbixin dhawaan lasoo saaray lagu sheegay in Al-Shabaab ay uruuriyaan lacag ka badan inta soo gasha dowladda Soomaaliya.

Warbixin ay daabacday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in miisaaniyad sanadeedka kooxdaasi ay ku dhowdahay 100 milyan oo dollar, lacagtaas ayaa u badan mid lagu khasbay inay bixiyaan ganacsatada iyo deeq shisheeye.

Qiyaastii rubuc ka mid ah lacagtaan ayaa loo qoondeeyay in lagu soo iibiyo hub casri ah si sare loogu qaado howgalada kooxdaan ay ka fuliso gudaha Soomaaliya ee ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee hadda loo bixiyey ATMIS.

Waxaa la og yahay in Mahad Karataay uu u dhaqmo qaab lagu tilmaamay inuu ka madax bannaan yahay hoggaanka kooxda, waxaana sababtaas awgeed looga qaaday xilal kala duwan oo uu horay u hayay, balse wuxuu awood u yeeshay inuu sii xoogeysto oo uu saameyntiisa sare u sii qaado, wuxuuna hadda qaabilsan yahay sirdoonka iyo amniga, iyo sidoo kale maaliyadda.

Wararku waxay daaha ka rogayaan in Diiriye uu hore awoodiisa ugu wakiishay ku xigeenkiisa Sheekh Abuu Bakar Cali Aadam, waxaana la rumeysan yahay in arrintan ay dhacday markii uu xanuunsanaa hoggaamiyaha kooxda oo gudan waayay shaqadiisa.

Tallaabadaas waxaa la sheegay inay sii xoojisay khilaafyo gudaha ah, waxayna  u muuqatay mid si ula kac ah xilka loogu dhaafinayey Karataay.

Sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Aadam – oo magaciisa lagu daray liiska argagixisada loogu doonista badan yahay Maraykanka – ayaa dhab ahaantii kooxdaasi hoggaaminayay muddo, waxayna hey’adda sheegtay in hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye uu la ildaran yahay xanuun halis ah oo saameeyey kelyaha, taas oo keentay inuu sariirta seexdo si loo daaweeyo.

Wararka sheegaya in Diiriye uu xanuunsan yahay ayaa markii ugu horeysay soo shaac baxay sanadkii 2018-kii, markaas oo la isla dhex marayay in kooxdu ay billowday qaban-qaabada ku aaddan isbedel hoggaanka sare ka hor geerida Diiriye.

Xiligaas Al-shabaab waxay cadaadis weyn kala kulmeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin Golaha Shuurada (Golaha fulinta ee kooxda), waxay isku fahmi waayeen magacaabista qofka bedeli doona hogaamiyaha, waxaana xusid mudan in Karatee uu ka mid yahay xubnaha Shuurada oo tiradooda ay tahay 10 qof.

Waxaa si weyn loo hadal hayey khilaafka u dhexeeya Karatee iyo Hoggaanka kooxda, iyadoo xilligaas uu Karataay bilaabay inuu dhaqaalaha ka xayiro hoggaanka in muddo ah taasoo cuuryaamisay awooddii hoggaanka ee bixinta mushaaraadka dagaalyahanada.

Markaas wixii ka dambeeyey Axmed Diiriye wuxuu bilaabay inuu eryo taageerayaasha Karataay oo intooda badan kasoo jeeda beesha Habargidir, Karataay dhankiisa isagoo tallaabadaas ka jawaabaya wuxuu bilaabay inuu beegsado “Raxanweyn” oo ah beesha uu kasoo jeedo Diiriye.

Sidoo kale dhalinyarada Habargidir ee kooxda ka tirsan waxay ku hanjabeen inay sameysan doonaan urur kasoo horjeeda Al-Shabaab, taas oo keentay inuu Diiriye dib u gurto oo uu soo afjaro  colaada, isagoo ka baqaya dil-dilaac ku yimaada ururka, wuxuuna Karataay xilligaas wixii ka dambeeyey sii waday inuu hoggaamiya ku adkeeyo ilaha dhaqaalaha.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah, calaamado muujinaya khilaafkan ayaa soo kala dhex galay labada nin kaddib geeridii Abdel-Fattah Berri, oo ahaa hoggaamiye ku weyn gobollada Jubbooyinka, isla markaana lagu tixgalin jiray mas’uuliyiinta ugu sarreysa kooxda.

Karate, oo sidoo kale loo yaqaan Abd al-Rahim Muhammad Warsame ayaa ku jira liiska argagixisada Mareykanka tan iyo 10-kii Abriil 2015, waxaana madaxiisa la dul saaray lacag  dhan 5 milyan oo dollar, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay weeraro ismiidaamin ah iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ah.

Sidoo kale waxaa magaciisa lagu daray liiska cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 26-kii February ee sanadkii 2021, iyadoo lagu eedeeyey ka qaybgalka falalka khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Bishii Febraayo 2016, ciidamada Kenya ayaa ku dhawaaqay inay dileen Karatee iyo toban kale oo hoggaamiyeyaal ah oo lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay Soomaaliya, laakiin warkan ayaa noqday mid been abuur ah.