CC Sharmaarke oo ka digay arrin ka dhalan karta muddo kororsiga M/Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka arrinta maamul goboleedyada ee ku aadan muddo kororsiga.

Sharmaarke oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ay haatan wadaan madaxda Soomaalida ee ku aadan inay sameystaan muddo kororsi labo sano ah ayaa sheegay inay dhaawaceyso howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socdo waddanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ceeb ku tahay in ay haatan u hanqal taagaaan muddo kororsi ay markii hore kasoo horjeedeen in loo sameeyo madaxii ka horreysay.

“Haddii ay run noqoto wararka xanta ah, waxa ay abuuri doontaa saameyn liddi ku ah, waxayna u badan tahay in ay wiiqdo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan uu magaalada Muqdisho shir uga socdo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreeyaan dagaalka Shabaab, shidaalka iyo arrimo kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Golaha ayaa isla meel dhigay in dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada isku waqti uu ka dhamaado xilka, si aan howlo doorasho aan looga mashquulin dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Qoddobkaan ayaa ka mid noqon doona war-murtiyeedka la filayo in uu kasoo baxo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Arrintaan ayaa ka dhigan in dhamaan madaxda dowlad-goboleedyada uu xilka isku mar ka wada dhamaan doonaan 2025-ka, xiligaasi oo ah waqtiga uu muddo xileedkiisa ku egyahay madaxweyne Cali Guudlaawe, maadama uu hore muddo sanad ah ugu daray baarlamaanka maamulkaasi.