Al-Shabaab iyo Daacish oo hal magac loo bixiyey iyo fatwo laga soo saaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir laga soo saaray fatwo ka dhan ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, maga kooxahaan ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday Khawaarij, waxaana soo baxay bayaan ka kooban 11 qodob.

Wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa 5-tii maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho ku shirsanaa, waxayna soo saareen fatwo lagu taageerayo kacdoonka looga soo horjeedo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Qodobka koowaad ayaa hoosta ka xariiqaya in si aan kala har laheyn loola dagaalamo labadaas kooxood, iyadoo hadda kadib loogu yeerayo magaca (Khawaarij).

Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada, saraalkiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa ka qeyb galay munaasabadii xiritaanka shirkaas.

Madaxda ayaa halkaas ka jeedisay khudbado ay ku taageereen bayaanka wasaaradaha diinta, iyadoo aad loo naqdiyey afkaaraha diinta Islaamka ka hor imaanaya ee kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ay adeegsadaan.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow oo adkeynayay Fatwadaan ayaa carabka ku adkeeyey in dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish uu bannaan yahay, ayna sahlan tahay in laga adkaado oo la suuliyo fikirkooda kooxahaan loo bixiyey Khawaarijta.

Hoos ka akhriso 11-ka qodob ee fatwadaan lagu soo koobay:

1: In lala dagaalo Alshabaab iyo Daacish

2: Inay xaaraan tahay dhaqaale kasta oo la siiyo Khawaarijta, islamarkaana ay isku mid yihiin, qarax side iyo qarash bixiye.

3: In maanta wixii ka dambeeya kooxaha Shabaab iyo Daacish loogu yeero Khawaarijta

4: In laga horyimaado wax kaste oo ka hor imaanaya shareecada islaamka iyo dhaqanka suuban, sida isticmaalka daroogada iyo anshax xumada baraha bulshada ee internetka.

5: In la taageero, loona sameeyo qorshe iyo siyaasad qaran oo lagu horumarinayo xarumaha diinta islaamka lagu barto.

6: In la dhiso sanduuqa Sakada iyo hay’adda awqaafta qaranka Soomaaliyeed.

7: In la qabto shirweyne ay kasoo qeyb galaan culimada ku sugan dalka iyo dibadda, si looga tashado, gaar ahaan ka ilaalinta diinta islaamka afkaaraha qalloocan.

8: In muddo kooban lagu dhameystiro habraacyada iyo xeerarka laga maarmaanka u ah dhismaha golaha sare ee  culimada Soomaaliyeed  oo ay u dhan yihiin dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo noqonaya marjaca diiniga ah.

9: In arrimaha xajka ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan wasaaradda diinta iyo awqaafta dowladda Soomaaliyeed iyo wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedyada.

10: Shirweynuhu wuxuu bogaadinaya kacdoonka dadweynaha Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

11: Ugu dambayn, shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dammaan shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaalanka kooxaha kharaarijta diinta, bannaystana dhiiggooda iyo maalmooda.