Baydhaba (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka, isaga oo ka ambabaxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Hoggaamiyaha ayaa waxaa wehlinayay mas’uuliyin ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo iyana qayb ka ah socdaalka Baydhaba oo inta badan ay gaareen madaxda dalka.
Muuqaal uu baahiyay safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa waxaa ka muuqanayo iyaga oo diyaaraddda saaran isaga, hoggaamiye Jibriil iyo agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya oo ugu dambeyn gaaray magaalada Baydhaba.
Safarkan ayaa yimid saacado uun kadib markii xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu soo saaray digreeto uu ku magacaabayo hoggaamiye kumeelgaar ah oo uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Digreetadan oo warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinaasir Axmed Bashiir ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji inuu noqdo hoggaamiyaha KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.
Jibriil ayaa hadda ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, wuxuuna beddelayaa Cabdicasiis Lafta-gareen, oo awood ciidan lagu dhaafiyay xukunka.
Isbeddalkan wuxuu sidoo kale kusoo beegmay saacado uun kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ay Isniintii awood milatari kula wareegeen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa hadda u diyaar-garobeysa sidii ay Koonfur Galbeed uga qaban laheyd doorasho qof iyo cod ah, hanaankaas oo ah midka ay isku seegeen Lafta-gareen, ayna si adag u diidan yihiin mucaaradka.


