Hoggaamiyaha MAAMULKA SSC Khaatumo oo ka digay qorshe ay waddo Somaliland

Roma (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa Somaliland uga digay in ay dagaal ku qaado deeganada SSC Khaatumo ee uu ka taliyo, Firdiiye ayaa sheegay in arrintaasi cawaaqib xumo ku noqon doonto Somaliland.

Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan dalka Talyaaniga, ayaa jaaliyada reer SSC Khaatumo ee magaalada Rooma uga warbixiyay xaalada SSC Khaatumo.

“Muuse Biixi hadda wuu soo xayd xaydanayaa, intii dagaalka lagu guda jiray hablaha reer Hargaysa waxa hal ku dhig u ahayd “Muusow ciidanka fasax” Muuse hadda wuxuu leeyahay ka bayra waan fasaxayaaye, inshallah wuu ku jabi haddii uu isku dayo dagaal danbe,” ayuu yiri Firdhiye.

Firdhiye waxa uu sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii deegaanada SSC Khaatumo ay u noqon lahaayeen qaar nabad ah oo xasiloon, isla markaana loo tirtiri lahaa raadkii ay dagaaladu ka tageen.

Hadalka hoggaamiye Firdhiye ayaa imanaya maalmo kadib markii Somaliland ay xustey 18 May, oo ku beegan 33 sano ka hor markii ay ku dhawaaqdey in ay tahay dal madaxbanaan.

Jiidaha colaada ee u dhaxaysa Somaliland iyo SSC ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq ciidan.

Ciidamada Somaliland ayaa si ba’an ugu jabey dagaalkii gobolka Sool 25 Agosto, waxaana Laascaanood ku xiran maxaabiis ku dhaw 400 oo askeri oo laga qabtey cidamada Somaliland.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in ay si dhakhso ah gacanteeda ugu soo celin doonto deegaanadii ay ku lumisay dagaalkii kal hore ka dhacay gobolka Sool. Somaliland ay ciidan iyo saanad milatari kusoo daad guraysay, iyadoo xili kasta uu dagaal ka dhex qarxi karo labada dhinac. 

Somaliland waxay isu diyaarineysaa doorashada Madaxweynaha oo ay ka dhimantahay 5 bilood oo keliya.