26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Hoggaamiye kaalin muhiim ah kasoo qaatay shirkii dib u heshiisiinta ee Mbaghati oo geeriyooday

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Bethuel Kiplagat oo kaalin muhiim ah ka soo qaatay wadahadaladii nabadeed ee aakhirkii lagu soo dhisay dowladdii KMG ee C/llaahi Yuusuf hoggaaminayay ayaa ku geeriyooday dalka Kenya.

Wuxuu Kenya ugu xil saarnaa hanaankii nabadda ee Soomaaliya ee socday sanadihii 2003 – 2005., isagoo sidoo kale ahaa guddoomiyaha guddiga farsamada IGAD u qaabilsanaa shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.

Danjire Kiplagat wuxuu door muhiim ah ka cayaaray wada xaajoodyadii nabadda ee dhex maray madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir iyo hogaamiyihii fallaagada John Garang.

2009 – 2010 wuxuu noqday guddoomiyaha guddiga runta, cadaaladda iyo dib u heshiisiinta ee Kenya, xilkaas oo uu iska casilay markii lagu sameeyey baaritaanno ku lug leh eedeymo la xiriira tacaddiyo xuquuqda aadanaha ah, gaar ahaan kaalin inuu ku lahaa xasuuqii Wagalla ee 1984, kaasoo boqollaal qof lagu dilay markii milateriga oo ugaarsanaya miliishiyo la oran jiray Shifta ay hawlgal ka sameeyeen waqooyiga Kenya.

Mr. Bethuel Kiplagat ayaa ku geeriyooday isagoo jira 81 sano, waxaana la filayaa in aas qaran ay u sameyso dowladda Kenya.

Soomaalida ayaa ku xusuusan doonto doorkii muuqday ee uu ku lahaa dib u heshiisiinta shirarkii Eldoret iyo Mbaghati ee dhex dhexaadintii hoggaamiye kooxeedyadii markii danbe ku heshiiyay dhismaha dowladdii KMG aheyd.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News