Hoggaanka ugu sareeya Jaamacadda Carabta oo yeelanaya kulan go’aan looga gaarayo heshiiska DP World ee Berbera

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxda ugu sareysa ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa in kulan khaasa ay mar kale ka yeeshaan heshiiska DP World ee dekadda Berbera.

Madaxdan ayaa kulankooda khaaska ah ku dabaqaban doona kan iminka ka socda magaalada Qahira ee u dhexeeya Wasiirada arrimaha dibada Dowladaha Carabta.

Kulanka Hoggaanka ugu sareeya ee ururka Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa go’aan kama danbeyn ah looga gaarayaa Dacwada ay dowlada Somalia ka qabto  heshiiska DP World ee dekadda Berbera.

Kulanka dhexmari doona Hoggaanka ururka Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa lagu go’aamin doonaa hakinta ama sii wadista heshiiska DP World ee dekadda Berbera.

Hoggaanka oo u gudubtay Dacwada ayaa si hordhac ah u sheegay in dowlada Imaaraadka carabta ay ku xadgudubtay madaxbanaanida Somalia.

Waxa ay sheegeen in Heshiiska Dekadda Berbera ay muhiim tahay in lagu soo xiro rabitaanka dowlada Somalia, waxa ayna u badantahay inay hakin doonaan Heshiiska.

Sidoo kale, Wasiirada arrimaha dibada ee Dowladaha Carabta ayaa sheegay in Somaliland ay u aqoonsan yihiin maamul si rasmi ah u hoostaga Somalia, isla markaana aan qaadi Karin talaabo aysan raali ka aheyn dowlada Somalia.

Geesta kale, Dowlada Soomaaliya ayaa toddobaadkan u gudbisey fadhiga golaha wasiirada ee Jaamacadda Carabta waraaq ay ashtako uga tahay Emirat Carabta oo shirkad laga leeyahay heshiis saddex geesood ah dekeda Berbaro lagashey Somaliland iyo Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimadalive.com