Halis cusub: Dowlada Emirat-ka oo sameysay guddi fashiliya dacawada DF iyp Seddex dal oo taageeray qorshaha Emirat-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowlada Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore u gudbisey fadhiga Golaha wasiirada ee Jaamacadda Carabta waraaq ay ashtako uga tahay dowlada Emirat Carabta.

Ashtakada dowlada Somalia ee lidka ku ah Emirat Carabta, ayaa ku xeeran Heshiis ay gashay shirkad laga leeyahay Emirat Carabta oo lagu magacaabo DP World.

Dowlada Somalia ayaa ashtakadeeda ku dalbatay in la hakiyo Heshiiska Seddex geesoodka ah ee u dhexeeya DP World, Ethiopia iyo Maamulka Somaliland.

Dowlada Emirat Carabta oo durba heshay nuqulo kamid ah warqadaha dacwada ee laga gudbiyay ayaa bilowday ololo looga hor imaanaya dacwada dowlada Somalia ee Heshiiska dekadda Berbera.

Dowlada Emirat Carabta, ayaa durba wufuud u kala dirtay wadamada ka tirsan ururka Jaamacadda carabta, kuwaa oo la qorsheynaayo inay kala dhantaalan dacwada ay gudbisay dowlada Somalia.

Wafdigaan ayaa la xaqiijiyay inay ku hormareen ilaa afardal oo xubin ka ah ururka Jaamacadda carabta, waxaana suuragal ah in dhaqdhaqaaqa ay wadaan wafdiga Emirat Carabta uu suuragaliyo in laga aamuso howlaha ku xeeran Heshiiska Berbera.

Emirat Carabta, ayaa durba dowladaha Sacuudiga, Masar iyo Aljeeriya ka dhaadhicisay inay ka hor imaadaan Dacwada dowlada Somalia.

Seddexdaan dowladood ayaa lagu wadaa inay ka aamusi doonaan go’aanka Hoggaanka ugu sareeya ee ururka Jaamacada carabta ka qaadan lahaayen Heshiiska Berbera iyo faragalinta ay ku heyso Emirat Carabta.

Sidoo kale, Wafdiga Emirat Carabta ee ku wajahan wadamada xubnaha ka ah ururka Jaamacada carabta ayaa kala dhantaali doona qorshaha dowlada Somalia, iyadoo laga cadaadin doono dhanka codka.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa mid ka caagan go’aan ka qaadashada awoodaha ay adeegsaneyso Emirat Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimadalive.com