Hoobiyaal lagu garaacay Wadajir iyo raggii ridayay oo midkood la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay ku dhaceen tiro hoobiyaal ah,  kuwaasi oo waxyeelo u geystay dad shacab ahaa.

Waa markii labaad oo hoobiyayaashaasi lagu garaacayo degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka isgoyska Danwadaagaha oo dhawaanna dad rayid ah ay ugu dhinteen hoobiyaasha.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka dowladda Federalka Soomaliya, ay gacanta ku dhigeen rag sida la sheegay ku mashquulsanaa tuurista Hoobiye, iyagoo toogtay oo dilay ruux kamid ah ragggaasi.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda nabad sugida NISA ayaa sheegay in mid ka mid ah raggii hoobiyeyaasha tuuraayay ciidamada ay dileen, xilli raggaan ay isku dayeen inay iska caabiyaan ciidamada ammaanka.

Raggaan ayaa sida la sheegay waxaa lagu qabtay xaafadda Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka Danwadaagaha.

Maamulka Degmada Wadajir ayaa sheegay inay Warbaahinta u soo bandhigi doonaan meydka ninka la dilay iyo ragga kale ee ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com