Kheyre oo iftiimiyay guusha Somalia uga soo hoyan karta shirka London

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Umadda Soomaaliyeed ay guul taariikh ah u noqon doonto miraha kasoo bixi doona shirka la filaayo in dhawaan uu ka furmo magaalada London.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in shirkaasi loo qaban doono Somalia uu yahay mid lagu kabaayo isla markaana ay Caalamka ugu muujin doonaan sida ay Somalia ugu bisishahay midnimada iyo Isku xirnaanshiyaha.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in DFS ay Caalamka u muujin doonto midnimo iyo kala danbeyn, si buu yiri adduunka loo tuso sida ay Soomaalida ugu diyaarsan tahay iskaashi iyo wadashaqeyn.

Kheyre ayaa meesha ka saaray in Madaxda Somalia u matali doonta shirka ay la imaadan tafaraaruq, waxa uuna ku baaqay in Madaxda qudhooda aysan dayicin fursadaha horyaal.

Kheyre waxa uu cadeeyay in guusha shirkaasi uga soo hoyan doonta Somalia ay tahay mid ay u sinaan doonaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaaraha ayaa carab dhabay in Madaxda DFS iyo kuwa Gobolada ay isku fahmeen in Caalamka la tuso isku xirnaanta Madaxda dalka.

Sidoo kale, Kheyre waxa uu ballanqaaday in Meel waliba ay geyn doonaan Midnimada Somalia, waxa uuna bidhaamiyay in Caalamka ay u baahan yihiin in si dhaba loo tuso Somalia oo mideysan.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la imaadan midnimo, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in Somalia xiligaani ay u baahan tahay Midnimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com