Daawo: Hooyo Calasey “Wiilkeyga waxaa la dilay isaga oo biyo uu shubtay aan cabin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Calasey Xamuud Cadow oo kamid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan tuulada Maxaay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle ayaa ka warbixisay dil maanta wiilkeeda loogu geystay deegaankaas oo ay mudo 7 sano ah ka taagan tahay colaad u dhexeyso 2 maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

Hooyadan oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Kulmiye ayaa ka sheekeysay, sida arxan darrada ah ee loo dilay wiilkeeda oo ahaa 40 sanno jir, sida ay sheegtay.

Calasey ayaa sidoo kale sheegtay in xilliga la dilayay wiilkeeda uu ka yimid biyo dhaamin, isla-markaana isaga oo biyo uu shubtay cabayay toogasho lagu dilay.

“Igaarkeyga waa dhaanshay kadib waa soo fulay Ratiga, haddii uu furay aa la weeraray gurigiisa lagu dilay,” ayay tiri Hooyo Calasey Xamuud Cadow.

Waxa kale oo Hooyadaan oo murugeysan ay hadalkeeda sii raacisay “Wiilkeyga biyo uu cabaayay oo uu shubtay intoo cabin ayaa la dilay”.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay taqaano ragga dilay wiilkeeda, isla-markaana ay daris yihiin, sida ay hadalka u dhigtay.

“Colaadda asal ayay jirtay nimankan dilka geystay waa kuwaan dariskeenna waayay Xasan Gaab ayaa la yiraahdaa,” ayay mar kale tiri Hooyo Calasey Xamuud Cadow.

Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay dowladda federaalka iyo HirShabelle oo ay ka dalbatay inay cadaalad u raadiyaan wiilkeeda, si loo soo qabto raggii ka dambeeyay.

Marxuumka ayaa ifka uga tegay carruur iyo xaas, sidoo kale waxa uu gacanta ku hayay hooyadiisa oo da’ah, taas oo si weyn ula muroogootay dilka loo geystay wiilkeeda.