Saraakiil iyo ciidamo kale oo Somaliland uga goostay SSC-Khaatumo

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta ciidamo horleh iyo saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Somaliland ay ka goosteen maamulkasi, kuwaas oo si toos ah ugu biiray ciidamada SSC-Khaatumo.

Ciidamadan iyo saraakiishooda ayaa hoostagayay ciidanka uu maamulo Mahad Cambaashe oo ku sugan afaafka hore ee jiida dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay u baxsadeen dhinaca degaannada hawdka ee gobolka Sool, halkaas oo ay difaac ka galeen, maadaama ay isaga baxeen Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan ayaa gaaraya ilaa tobaneeyo askari iyo saraakiishooda, waxaana la sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan Laascaanood, oo hadda laga dareemayo qaban qaabo ku aadn soo dhaweyntooda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan arrinta ciidamadaasi iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobolka Sool.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale ay usoo goosteen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo wata gaadiidkooda dagaalka, kuwaas oo lagu soo bandhigay Laascaanood.

Dhanka kale, Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo horleh oo xoojin ah ay geysay tuulo Samakaab ee gobolka Sool, halkaas oo uu ku sugan yahay Cambaashe.

Ujeedka ayaa ah in ciidamadan ay ka hortagaan inay goostaan askar kale, maadaama uu kala shaki xoogan soo kala dhex-galay ciidamada ku sugan halkaasi.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood, Somailand ayaa lumisay dhul ballaaran, madax, ciidamo iyo saraakiishooda, kuwaas oo ku biiray SSC-Khaatumo.