HOOYO ku hanjabtay inay madaxtooyada Somaliland isku qarxineyso haddii ay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland oo la hadashay warbaahinta gudaha ayaa shaacisay cadaalad darro baahsan oo ay tirsaneyso.

Hooyadan ayaa sheegtay haddii ay xukuumadda Somaliland ka heli weydo cadaalad ay isku qarxin doonto Madaxtooyada Somaliland oo ah hoyga uu degan yahay Muuse Biixi.

“Cadaalad darada aan tirsanayo waa in Baloodh aan ku leeyahay saldhiga Daami ee Hargeysa la igala meeraysanayo. Waxaa keenay markhaatigii, ninkii iga iibiyay iyo nootaayooyinkii, waxaa i wareejinaya guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland,” ayey tiri.

“Sideedaba waxaa laga garnaqa laba saf ah oo iska soo horjeeda, weli ma arkin cid iga soo horjeeda. Garsooraha markasta wuxuu ileeyahay maxkamadda sare ayay ka socotaa, meesha qaraaro ayaa laga soo saaray ayey hay’addaha garsoorka yidhaahdeen xataa waxa la igu yidhi qasab ku saxeex qaraaradaas.”

Sidoo kale waxay sheegtay in cadaalad darada ay ka tirsaneyso xukuumadda Somaliland, gaar ahaan maxkamadda sare ay horseedi doonto inay isku qarxiso madaxtooyada, maadama uusan jirin sharci lagu kalsoonaan karo.

“Qorshahayga wuxuu yahay haddii aan waayo cadaalada in aan isku qarxiyo Madaxtooyada, sharcigu waaka sharci kale hadaan waayay halkee qabta.” ayey sii raacisay hadalkeeda.

Hooyadan ayaa kamid aheyd tobaneeyo qof oo warbaahinta gudaha kasoo muuqday, iyaga oo cadaalad darro ka tirsanaya hay’addaha garsoorka Somaliland, kuwaasi oo sheegay in xuquuqdoodii lagu tuntay, lana duudsiiyay wixii ay xaqa u lahaayeen.

Cadaalada Somaliland ayaa si weyn looga deyrinayay sanadihii dambe, ayada oo lagu eedeyo “in ay eex iyo awood dowladeed” lagu dulmiyo dadweynaha, taasi oo sida muuqata ay ka dhalan doonto natiijo aan la mahdin.