Xaad oo baaq cusub u diray DF iyo maamulka gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo soo dhaweeyay kacdoonka Shacab ee dhawaan ka billowday Muqdisho, ayaa baaq u direy madaxda dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Xaad ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulka gobolka in la daadajiyo dowladda, oo la geeyo gacamaha shacabka, si looga guuleysto dagaalka Shabaab ka dhanka ah.

“Dowladda waxaa ka codsaneyna hadey dowladda dhexe iyo gobolka Banaadir tahay in dowladda hoos la geeyo anagu waxaa soo joognay dowladda oo qoysaska guryahooda ku jirta. Dowladda haddii la daadajiyo waxay tagee caruur, hooyo iyo aabe taas ayey dowladda ku dhex jiri jirtay haddana waxaa rabna in meeshaas la gaarsiiyo,” ayuu yiri.

“Dowladda iyo Shacabka waxa u dhaxeeya gaab, sidaas ayey Khawaarijta ku faa’iideen oo dhibaatada ku geysteen waxaa rabna dadka Soomaaliyeed gaar ahaan gobolka Banaadir bulshada ku nool iyo dowladda in aan gacanta isku galino.”

Nabadoon Xaad ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in fursada kaliya ee Shabaab looga adkaan karo xiligaan ay tahay in bulshada gobolka u midoobaan ciribtirka Khawaarijta, maadama ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha caasimadda dalka.

“Waxaa rabnaa in wada-shaqeynta la buuxiyo, haddaan nahay dadka gobolka Banaadir waxaa haysana ciidamadii dowladda oo dhan iyo waxkasta oo adeeg ah oo ay dowladda bixiso, aan ku dhiirano suulintooda (Shabaab).”

“Waa in aan ku dhiirano arrintaas iyada ah, geesinimadu wax ma disho, fuleynimada nolol ma keento taas ayaa isku baraarujinayna waxaa inoo ballan ah wada-shaqeyn, isxog-wareysi, isku xirnaan iyo kalsooni. Dowladda waxaa rabna inay dhagaxyada kasoo hoos baxdo oo la is-dhexgaliyo dowladda iyo dadka.”

Shacabka Muqdisho ayaa Khamiista toddobaadkii hore muujiyay sida ay uga soo horjeedaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaatooyin badan ka geysata caasimada dalka, waxaana kacdoonkan loo arka mid muujinaya “in dagaalka uu marayo meel gaba-gabo ah oo Al-Shabaab la jebiyay.”