Hooyo Somaliyeed oo fal argagax leh kula kacday 2 caruur oo ay dhashay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Somaliland ayaa waxay sheegayaan in mid ka mid ah Hooyo Soomaaliyeed oo halkaasi degan ay nolosha ku gubtay labo gabdhood oo ay dhashay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Somaliland.

Sida warku sheegayo hooyo ka mid ah qoysaska degan magaalada Hargeysa ayaa guriga ay degantahay ku dhexgubtay laba gabdhood oo yaryar ah kuwaas oo ay iyadu dhashay, gabdhahaas waxaa lagu kala sheegay afar sano jir iyo laba sano jir, waxaana haweenayda gacanta ku dhigay markii dambe ciidamada booliska oo ku xiray saldhigga magaalada Hargeysa oo ay hadda ku wareysanayaan sababta ku kaliftay.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in haweenaydaasi caruurta gubtay ayaa waxa lagu magacaabaa Nuurto, waxayna ficilkaasi ku dhaqaaqday saqbarkii habeen hore oo Jimco aheyd, markaas oo ay dabqabadsiisay labadaasi caruurta ah ee ay iyadu dhashay.

Dhacdadan foosha xun oo ka dhacday xaafada jigjiga yar ee magaalada hargaysa ayaa waxaa ay noqotay dhacdo lala yaabo oo aan hore uga dhicin deegaanada maamulka somaliland,waxaana lasheegay in labadaasi caruurta ahi ay dabkaasi ku basbeeleen oo ay isla goobtii ku qurbaxeen.

Si rasmi ah looma oga sababta ku kaliftay hooyadan inay gubto caruurteeda, hase yeeshee sida la sheegayo waxa ay labadaba ku rushaysay Batrool kadibna waxay qabad-siisay dab, halkaas oo ay ku shuf beeleen, waxayna warar aan la xaqiijini ay sheegayaan inay maseyrtay,halka warar kale ay sheegayaan in ay maskaxda wax ka noqotay, waxaase la sheegay in hadda ay booliska magaalada hargeysa ay su,aalo weydiinayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com