XOG: Maxaa la filan karaa marka R/W cusub uu maanta hortago BF Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta oo Sabti ah la filayaa in uu hortago baarlamaanka Soomaaliya si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online, ayaa soo sheegaya in magaalada saakay laga dareemayo qabqaabo xooggan oo loogu jirro arrintaas waxaana wada xildhibaannada baarlamaanka.

Ammaanka magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana la xiray wadadda ag marta xarunta golaha shacabka.
Raysal wasaare Cabdiweli ayaa lagu waday Arbacadii la soo dhaafay in uu baarlamaanka hortago balse arrintaas dib ayaa loo dhigay.

Ma cadda sida ay wax noqon doonaan, balse dad badan oo wax saadaliya waxa ay lee yihiin raysal wasaaraha cusub waxaa uu heli doonaa kalsoonida baarlamaanka.

Haddii uu ra’iisal wasaaraha cusub helo codka kalsoonida, waxaa laga sugayaa in uu soo magacaabo golaha wasiiradiisa, waxaana la is weydiinayaa tirada wasiirada iyo haddii ay ku jiraan wasiiradii horre.

Ra’iisal wasaaraha cusub, ayaa maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka waday kulamo xod xodasho ah oo uu la lahaa, qaar kamid ah xilibaannada si ay usiiyaan codka kalsoonida

Faah-Faahin kala soco Shabakadda Caasimada Online oo wariyaal ay u joogaan xarunta baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com