Xasan Sheikh oo ku dhawaaqay go’aan culus oo dad badan ka farxin doona

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay go’aan dad badan ka farxin doona kuwaasoo ku nool dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dowladiisa dagaal toos ah in ay lagali gali doonto kooxaha isbaarooyinka dhigta goobaha ay maamusho dowladda.

Wuxuu sheegay in askarigii lagu arko isagoo isbaaro dhiganaya goobta in lagu toogan doono, wuxuuna intaas ku daray in hooyinka iyo gabdhaha la dhashay ragga isbaarooyinka dhigta in ay ceshtaan.

Madaxweynaah ayaa hadalkan ka sheegay xaflad ka dhacay dugsiga tababbarka booliska oo lagu xusaayay sanad-guurada toddobaatanaad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidanka booliska.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan dalka ay ka aamin baxeen ciidamada waayo iyaga ayaaa dhaca ayuu yiri, waxaana loo baahan in dhaqankaas meesha la saaro ayuu ku celcelikyay.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in ciidanka booliska ay ku shaqeen doonaan qalab cusub oo Tikonolajiyada si ay ula socdaan bulshadda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo dagaal beedleedyada ka soo cusboonaaday gobala qaar ee dalka, wuxuuna sheegay in dagaal uusan faa’ido lahayn.

Madaxweynaha ayaa ciidanka booliska ugu hambalyeeyay sanad-guurada toddobaatanaad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay oo maanta ku beegan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa shacabka ku guubaabiyay inay la shaqeeyaan booliska iyo ciidamada kale ee amniga qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com