Madaxweynaha iyo R/W Cusub oo la hadlay BFS & Wararkii ugu dambeyay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ka furmay shir ay lee yihiin xildhibaannada baarlamaanka, waxaa hadda xarunta ku sugan madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha cusub, sidaas waxaa noo sheegay wariyaha Caasimada Online ee ku sugan goobta

Kulanka waxaa shir guddoominaya afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana fadhigga baarlamaanka ku sugan 240-xildhibaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa furay fadhigga, wuxuna sheegay in marka horre khudbad laga dhageesan doono madaxweynaha, markaas kaddibna hadal la siin doono raysal wasaaraha cusub soo bandhiggo qorshaha uu lee yahay, waxaana intaas kaddib billaaban doonta cod u qaadista raysal wasaaraha cusub.

Madaxweynaha ayaa hadda khudbad u jeediyay baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay raysal wasaaraha cusub in uu ka soo dhex xushay in ka badan 70 ruux oo soo codsaday in ay qabtaan xilka.

Waxaa intaas kaddib kulanka hadlay raysal wasaaraha cusub, Cabdiweli Sheekh Maxamed wuxuuna sheegay in qorshihiisa koobaad,labad iyo seddaxaad uu ka dhiggi doono ammaanka.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu xoogga saari doono arrimaha dhaqaalaha, la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda, wuxuu kaloo sheegay in uusan oggolaan doonin hub sharci daro oo la isaga dhex wato goobaha ay maamusho dowladda.

Dhammaan qoddobada uu goobta ku soo bandhigay waa ku ay horrey u sheegi jireen raysal wasaarayaashii isaga ka horreeyay, waxaana loo fadhiyaa qoddobadaas quruxbadan sida uu dhaqan galin doono.

Fadhigga maanta ayaa u muuqday xildhibaannada ku taageersan raysal wasaarha, mana jirin wax muran ah oo goobta ka jiray, sidaas waxaa noo soo sheegay wariyaha Shabakadda Caasimada Online.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com