RW horre ee Somalia SAACID oo xaflad sagootin ah loo sameeyay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo xog ogaal ah oo ku sugan xafiiska raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya,ayaa noo xaqiijiyay in maanta oo Sabti ah lagu qabtay Muqdisho xaflad lagu sagootinaayo Cabdi Faarax Saacid Shirdoon oo dhawaan isaga iyo xukuumadiisa waayay codka kalsoonida baarlamaanka.

Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay dhammaan shaqaalihii joogay xafiiska raysal wasaaraha, wuxuuna u rajeeyay horrumar iyo mustaqbal fiican.

1476351_668976309820902_81584809_n

Raysal wasaaraha ayaa la galay shaqaalaha xafiiskiisa joogay sawir xasuus, wuxuuna mid mid u gacan qaaday shaqaalaha, sidaas waxaa noo sheegay mid ka mid shaqaalaha oo diidday in magaciisa aan xigano.

Raysal wasaaraha ayaa shaqaalaha u sheegay in uu maanta ama barri dib ugu laaban doono magaalada Nairobi oo uu markii horre ka yimid.

Wuxuu kaloo raysal wasaaraha sii baxaya uu ballan qaaday in uu la shaqayn doono raysal wasaaraha cusub iyo xukuumadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimadaa@live.com