Baarlamanka Somalia oo maanta cod aqalabiyad leh ku ansixiyay RW CUSUB

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah fadhi uu ku yeeshay magaalada Muqdisho, wuxuu codka kalsoonida siiyay raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed.

Fadhigga maanta oo ay ka soo qaybgaleen 243-mudane, waxaa raysal wasaaraha codka siiyay 238-mudane, labo ayaa diidday labo kalena waa ay ka aamuseen sidaas waxaa noo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Kulanka ayaa u muuqday mid lagu taageersana qorshaha uu soo bandhigay raysal wasaaraha cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saraakil ka socday Villa Somalia ayaa goobjoog u ahaa qaabka ay u dhacday codbixinta.

Fadhigga maanta waxaa shir-guddoominayay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Raysal wasaaraha ayaa goobta lagu dhaariyay, waxaana uu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad ka ballaaran xukuumadii Saacid,isagoona intaas kudaray inuu xoogga saari doono arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, cadaaladda iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in uu u mahadcelinaayo 70 qof oo isku soo taagay xilka raysal wasaaraha, wuxuna sheegay in ka soo dhex xushay ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxweynaha ayaa baarlamaanka u sheegay in uu ku kalsoon yahay raysal wasaaraha uu soo magacabay, wuxuuna sheegay in qaban karo wax yaabaha dowladda u dhimman inta aan la gaarin sannadka 2016-ka ayna ka mid tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna sheegay in la ansixiyay raysal wasaaraha cusub.

Waxaana hadda la sugayaa khudbad uu jeedinaayo madaxweyne Xasan Sheekh taasoo lagu soo xiraayo kulanka maanta ee baarlamaanka sidaas waxaa soo sheegay wariyaheena.