Dadka reer MUQDISHO oo helay hab fudud oo ay ugu xirnaadaan dunida

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Jirtooyo taleefannada casriga ah marka hore lagu soo iibiyo qiime sare, haddana Soomaalidu waxay si isa soo tareeysa lacagtaas u hurayaan faa’iidada la socota ee internetka sida fudud loo heli karo, taasoo u sahlaysa in ay la xiriiraan xubnaha qoyskooda ee ku maqan dibadda iyo in ay si sahlan ula socdaan wararka iyo xogta iyada oo uu dhinaca kalena ka raqiisan yahay qaababkii hore ee Internetka loo heli jiray.

“IPhone-ka ugu qaalisan waxa uu joogaa $800, halka taleefanka Samsung-kana uu ka joogo $500, inkasta oo ay jiraan kuwo intaa ka qaalisan,” ayuu yiri Faysal Cabdullaahi oo ah 34-jir dukaan taleefannada lagu iibiyo ku leh Suuqa Xamar Weyne ee Muqdisho. Taleefannada casriga ah kuwooda ugu raqiisan waxa la iibiyaa qiyaastii $250, ayuu yiri.

Iibka taleefannada casriga ah ayaa si joogto ah kor ugu socda, ayuu sheegay Cabdullaahi, isaga oo xusay in dukaankiisu uu sannadkii 2012-kii iibiyay 15 taleefannada casriga ah, halka uu sannadkan ka iibiyay ku dhawaad 100 xabbo.

Cabdullaahi waxa uu sheegay in inta badan macaamiishiisu ay waydiiyaan taleefannada casriga ah, gaar ahaan moobiillada Samsunga-ka, kuwaas oo aad loo jecelyahay sababtoo ah waa ay ka raqiisan yihin iPhone-ka, waxana la socdo barnaamijyo ka badan kuwa iPhone-ka oo lacag la’aan ah.

“Qaar ka mida taleefannadaas aad ayay qaali u yihiin inkasta oo qiimihii ay awal ahaayeen uu hadda ka yaryahay,” ayuu yiri. “Waad u arki kartaa in ay aad qaali u yihiin, haddana si joogto ah ayaan u iibinnaa.”

Internet ka jaban kii hore

Cabdisalaam Warsame oo ah 20-jir fasalka koowaad ee dugsiga sare ka dhigta Iskoolka Jabuuti ee degmada Wadajir, ayaa sheegay in uu aad ugu mahdinayo walaashiis ku sugan Sacuudi Carabiya oo u soo dirtay lacag uu ku gato taleefan casri ah afar bilood ka hor.

“Waxan aadi jiray xarun aan ka isticmaalo internetka oo aan saacaddii ku bixiyo 18,000 oo shilin marka aan rabo in aan isticmaalo internetka, waxana suuragal ahayd in aan maalinkii dhowr jeer isticmaalo,” ayuu sheegay. “Hadda waxan bixiyaa $1 (20,000 oo shilin) oo taleefankeeyga casriga ah igu haysa 24 saac.”

Warsame waxa uu sheegay in taleefinkiisa moobilka ah ee uu ka galo internetka uu hadda u suuragaliyay in uu xilli walba ku xirnaado caalamka intiisa kale.

Sidoo kale, Yuusuf Ibraahim oo ah 32-jir reer Muqdisho ah ayaa sheegay in shantii bilood ee ugu dambeeysay uu internetka si xiriir ah u isticmaalayay.

Waxa uu sheegay in adeeggan uu u sahlay in uu kula xiriiro xubnaha qoyskiisa oo ku nool Finland.

“Xaaskeeyga iyo carruurtayda waxan maalin walba kula xiriiraa WhatsApp,” ayuu yiri Ibraahim. “Waxan dareemaa sidii in aan la joogo, wayna ka raqiisan tahay marka aad si toos ah ula hadashid. Markii hore waxan bixin jiray $50 ka badan si aan kaliya ula hadlo, laakiin hadda waxan isticmaalaa wax ka yar $10 bishii, saas oo ay tahayna aanoo la xiriiraya saacad walba.”

Cabdirashiid Xuseen oo ah 35-jir ka shaqeeya shirkadda internetka iyo mobiilalda ee Hormuud Telecom, ayaa sheegay in 1-ki gigabyte (GB) oo ah data-da internetka ay joogto $25, muddada aad isticmaali kartidna ay ku xiran tahay hadba sida aad u isticmaasho.

Ka sokoow Horumuud, ayaa shirkadda Somtel ee fadhigeedu yahay Hargaysa waxa ay tahay shirkadda kale ee kaliya ee adeegga internetka ku bixisa taleefannada koonfurta Soomaaliya.

Aweys Cabdiraxmaan oo ah 23-jir arday ka ah Dugsiga al-Cimra ee degmada Hodan ee Muqdisho, waxa uu sheegay in taleefannada casriga ah ay Soomaalida u sahashay isticmaalka in ay wada xiriiraan, inkasta oo ay jirto in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu canaantay in ay si ba’an ugu mashquuleen taleefannadooda casriga ah.

Somaalidu waa ay ku dambeeyaan helitaanka internetka, si kastaba ha ahaatee isticmaalka isa soo taraya ee internetka jaban ee laga isticmaalo moobiillada ayaa gacan ka geeysanaya in la daboolo farqigaas sannadba kan ka dambeeya, ayuu sheegay.

“Marka dhinac laga eego maaha qaali sababtoo ah lacagta aan ku bixinayo in aan ku galo internet hadda waa ay ka yartahay waxa aan ku bixin jiray taleefannada kaliya,” ayuu yiri Cabdiraxmaan, isaga oo intaa ku daray in ay lacag ugu dhaqaaloowday diritaanka farriimaha qoraalka ah ee uu u diro saaxiibadii iyo qoyskiisa halkii uu ka wici lahaa.

Faysal Muuse Maxamed oo ah 24-jir saxafi ah oo u shaqeeya Radio Muqdisho, ayaa muddo qiyaastii sannad ah waxa uu internetka ka galayay taleefankiisa casriga ah.

Waxa uu si khaas ah u sheegay in uu Samsung Galaxy-giisa u isticmaalo in uu ku galo baraha warbaahinta bulshada sida Facebook, halkaas oo uu bulshada kula sheekaysto warkana ka helo.

“Inta badan waxan Facebook u isicmaalaa sababtoo ah waxaad kula xiriiri kartaa saaxiibadaa waxanad kula socon kartaa wararka iyo sawirrada lasoo galiyo,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in uu sidoo kale isicmaalo WhatsApp si uu ula xiiriiro saaxiibadii sababtoo ah waa raqiis internet data badanna kaa cuni maayo.

Baddalidda xarumihii internetka laga gali jiray

Xasan Maxamed oo ah 30-jir ku nool Muqdisho oo cilmiga bulshada ka bartay Jaamacadda Soomaaliya, ayaa sheegay in taleefannadu gacantu yihiin qaab asturan oo lagu gali karo internetka, dadka lagula xiriiri karo isla markaana wararka lagula socon karo.

“Hadda waxan dareemayaa in aan awood u leeyahay in aan internetka galo xilli walba oo aan u baahanahay halkii aan ku tiirsanaan lahaa in aan aado meel kale oo internet aan ka isticmaalo sidii waayadii hore,” ayuu yiri Maxamed, oo illaa iyo toddoba bilood isticmaalayay taleefankiisa Samsung Galaxy.

“Waxan u isticmaalaa in aan ku dirsado emaillo, wararka kula socdo, waxan sidoo kale u isticmaalaa in aan Google uga soo rogto daruusta iyo xogta isla markaana ku galo baraha bulshada,” ayuu yiri.

“Hadda waxan sidoo kale awoodaa in aan anoo kaligay ah wax akhristo ama daawado. Maaddaama xarumaha laga galo internetka ay yihin goobo caam ah, kuuma suuragalayso in aad gasho ama daawato wax walba oo aad jeceshahay,” ayuu yiri.

Isha: Sabahi Online