26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Horjoogayaal iyo maleeshiyo badan oo howlgal lagu dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga degmada Maxaas oo ay la wareegeen bishii July ee sanadkan

Ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka ee weerarka qaaday ayaa beegsaday xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Goobo, halkaas oo ay ku dileen ku dhawaad 10 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan lagu khaarijiyay illaa todobo xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay soo furteen 4 qoray oo Ak47 ah iyo 2 bistoolad oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu laayay goobta.

Macawiisleyda u daadatay Al-Shabaab ayaa lasoo warinayaa inay dib uga soo noqdeen deegaanka, ayna ku laabteen halka ay markii hore kasoo duulaan tageen.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Hiiraan oo ay soo galeen xubnaha Al-Shabaab.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhawaan lagu dilay horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure (Cali Qoyane), kaas oo dhibaato wayn ku hayay reer Hiiraan.

Ninkan oo in ka badan toban sano ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu si joogto ah u bartilmaameedsan jiray dadka rayidka ah iyo kuwa safarka ah, isagoo ku caan baxay dhibaatooyin uu ku hayay bulshada deegaanka.

Horjoogahan ayey sidoo kale dowladdu sheegtay inuu kamid ahaa madaxda kooxda, iyadoo ku tilmaamtay “dhiigyo cab” dhibaatooyin badan ka gaystay gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Read more

Local News