25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Hormuud Foundation oo 50-kun oo dollar u qeybisay qaar ka ah dadka Naafada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa Maanta Deeq Lacageed oo gaareysa $ 50,000 Dollar u qeybisay Qaar ka mid ah Naafada Ku nool Magaalada Muqdisho.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa ka faa’iideystay 500 oo Qoys oo naafo ah, kawaas oo kakala yimid degmooyin Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Hormuud Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo Munaasabadda Deeqdan lagu bixinayey ka hadlay ayaa Warbaahinta sheegay in ay qoys waliba Siiyeen $100 Dollar, taasoo wadarta lacagta  ka dhigeysa $50,000 oo Dollar, waxuu sidoo kale xusey in ay mar weliba garab taagan yihiin dadka Danta yar.

Guddoomiyaha Dalladda Awoodsiinta Naafada Soomaalliyeed (Soden) Cabaas Ismaaciil Caddow oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa Sharraxay Qaabka ay usoo xuleen dadka naafada ah ee deeqda la guddoonsiiyey “waxaan mudnaanta siinay Dadka Naafada ah ee xuquuqda laga rabo, haddana aan awoodin ay shaqeystaan, waayo Ilmaha yar ee Naafada ah waalidka ayaa Nafaqadiisu saarantahay” ayuu yiri Mr. Cabaas.

Waxaa sidoo kale Munaasabadda ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka Cali Cabdullaahi Salaad, oo Hey’adda uga mahad celiyey xilka ay iska saareen Dadka danta yare eek u nool Koonfurta Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Dadka Naafadaha ah ee maanta la guddoonsiiyay deeqdaasi Lacageed oo iyaguna dareenkooda ka warbixiyay ayaa uga Mahad celiyay Hormuud Foundation sida ay  taageerada walaalnimo ugu fidisay iyagoona tilmaamay in lagu soo beegay deeqdaan xilli ay baahi badan u qabeen.

Hormuud Foundation ayaa intii lagu guda jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxa ay deeqo kala duwan gaarsiiyeen qeybaha bulshada kuwooda nugul ee danyarta ah, waxaana meelaha deeqahaasi kala duwan gaarsiiyeen ka mid ah Bukaanada ku jira Isbitaalada Danta Guud ee  ku yaalla Muqdisho, Xabsiga dhexe ee Xamar , Naafadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qeybo kale oo dadka Barakacayaasha ah ay ka mid yihiin.

 

- Advertisement -

Read more

Local News