Howgallo saakay ka socda Muqdisho & walaac ay shacabka ka muujinayaan

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka socday howgallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Howgallada oo ka socda xaafada Buula-Xubeey ee degmada Wadajir, waxaa la arkayaa dhallinyaro fara badan oo laga soo qabqabtay guryaha ku yaalla xaafadaas kuwaaso la saarayo baabuurta Shabaqlayaasha loo yaqaano.

Xog badan lagama hayo howgallada saakay ka socda Muqdisho wax yaabaha ay la xiriiraan balse waxaa sheegis mudan in habeebkii xaley qaybo ka mid magaalada in laga maqlay hoobiyaal iyo qaraxyo.

Ilaa hadda ma jirto khasaaro ka dhashay madaafiicda xaley laga maqlay degmooyinka Hodan iyo Waabari oo ka mid degmooyin ay si weyn u maamusho dowladda Soomaaliya.

Howgallada ayaa saameeyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadka, waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga iyo wax barashada ee ku yaalla xaafadaas.

Toddobaadkii horre ayey ahayd uun markii howgal siddan oo kale ah ay ciidamada dowladda ka sameeyeen xaafadan iyo xaafadaha kale ee ku teedsan degmada Wadajir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com