UHURRU oo qaaday tallaab yaab badan

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sii waday Isniintii (10-kii March) shaacinta in uu dhimi doono mushaaraadka mas’uuliyiinta sare taasoo ah dadaal lagu dhimayo xaddiga mushaaraadka dalka.

Jimcihii (7-dii March) ayay Kenyatta iyo Madaxweyne Ku-xigeen William Ruto waxa ay ku dhawaaqeen in ay iska dhimi doonaan 20% mushaarkooda, halka mushaarka wasiirradana la dhimi doono 10%. Mushaar jariddu waxay “dhaqan-gali doontaa markiiba” ayuu Kenyatta ku yiri hadal uu jeediyay Jimcihii, isaga oo intaa raaciyay in kharashaadka hadda sida ay ku socdaan aan lagu sii wadi karin.

Xukuumadda ayaa sidoo kale ku soo koobi doonta safarrada dibadda kuwooda ugu muhiimsan, sida uu sheegay Kenyatta. “Xukuumaddeeyda waxa ay si weyn hoos ugu dhigi doontaa lacagta bilaa macnaha ku baxda,” ayuu yiri.

“Waxan sannad walba ku bixinnaa bixinta mushaarrada 400 oo bilyan ($4.6 bilyan); taasoo noo soo reebta kaliya marka laga hadlayo waxa aan ka helno ilaheenna 200 oo bilyan oo shilin si aan ugu baddalno Kenya,” ayuu yiri Kenyatta. “Waa sababtaas taan u leennahay jaangooyadani maaha mid sii shaqeeyn karta… Waa in aan wax ka qabannaa dhibaatadan weyn haddii aan dooneeyno in aan horumarinno qarankan.”

Isniintii (10-kii March), ayuu ku amray madaxda hay’adaha dawladda in ay sida ugu dhakhsaha badan u dhaqan-galiyaan dhimidda khasabka 20%-ka ah.

“Iina oggolaada in aan idiin caddeeyo, haddii aad sidaa yeeli waydaan, waxa jira Kenyan badan oo diyaar u ah in ay ku qaataan shaqooyinkaas mushaaraadkaas hoose,” ayuu yiri Kenyatta sida ay sheegtay Capital FM-ta Kenya.

Kenyatta ayaa sidoo kale ku boorriyay xildhibaannada dalka in ay raacaan tusaalihiisa oo ay dhimaan mushaarkooda.

“Waxan rajeeynayaa in waaxyaha kale ee dawladdu ay qaadaan tallaabadaa oo kale oo ay dib u eegaan mushaarkooda. [Xubnaha baarlamaanka] way maqleen wayna yaqaannaan waxa ay Kenyanku doonayaan,” ayuu yiri. Mushaarka Kenyatta ayaa noqon doona 990,000 oo shilin ($11,400) isaga oo ka soo dagaya 1.2 milyan shilin ($14,300), halka kan Ruto uu noqon doono 841,500 oo shilin ($9,700) isaga oo ka soo dhacaya 1.1 milyan shilin ($12,100), sida ay sheegtay Capital FM-ta Kenya.

Xildhibaannada ayaa si cagajiid ah sannadkii hore ku oggolaaday in mushaarkooda la dhimo, kaasoo mushaarkooda billaha ah hoos ugu soo dejiyay qiyaasaha 532,000 oo shilin ($6,100).

Mushaarka ugu hooseeya ee ay qaataan muruq-maalka Nairobi qiyaastii waa 8,500 oo shilin ($98) bishii. Wasiirrada xukuumadda ayaa hadda qaadan doona 633,600 oo shilin ($7,300) kaasoo hoos uga soo dhacaya 792,000 oo shilin ($9,100), halka xoghayayaasha joogtada ahi ay qaadan doonaan 524,700 ($6,000) kaas oo hoos uga soo dhacaya 655,875 shilin ($7,500).

Guddoomiyaha Komishanka Mushaaraadka iyo Abaal-marinnada Sarah Serem ayaa sheegtay in shaqaalaha dawladdana sidoo kale loogu baaqi doono in ay si iskood ah u dhimaan mushaarka, sida uu sheegay The Standard-ka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com