Howlgal bartilmaameed ah oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday guryo ku yaalla gudaha degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya ciidamada ay guryaha ay u daateen ay kala soo baxeen illaa dhowr qof, kuwaas oo ay horey usoo kaxeyseen, si ugu sameeyaan baaritaano dheeraad.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ragga lasoo qabtay ayaa lagu eedeeyay inay ku howlanayeen falal amni darro, balse illaa iyo hadda saraakiisha ma faahfaahin howlgalka.

Dayniile ayaa kamid ah degmooyinka ay ka dhacaan falalka ammaan darri, waxaana muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka waday laamaha ammaanka ee dowladda.

Habeen hore ayaa howlgal kan lamid ah waxay ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Howlgalkaas ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, halka kuwa kale oo laga shakiyay lagu xiray saldhigga degmada Wadajir.

Dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada ammaanka haatan ka wadaan caasimada ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan lagu gudaha jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana dowladda Soomaaliya ay dajisay qorsheyaal looga hortagayo weerarada Al-Shabaab.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay marti gelisay weeraro toos ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay qaarkood sheegatay kooxda Al-Shabaab.