Afhayeenka AL-SHABAAB Cali Dheere oo ka jawaabay imaatinka ciidamada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay qorshaha ay dowladda federaalka dalka ku keeneyso ciidamo ka socda dalalka deriska, kuwaas oo qeyb-qadaanaya dagaalka ka dhanka ah kooxda. 

Cali Dheere, oo si gaar ah u magacaabay ciidamada Itoobiya, ayaa qorshahaas ku macneeyey “duullaan cusub oo la damacsan yahay in Soomaaliya lagu soo qaado.” 

Waxa uu sheegay in Soomaaliya uu ka socdo dagaal uu calanka u sido Mareykanka “kaasi oo lagu doonayo in meesha looga saaro ku dhaqanka shareecada islaamka,” sida uu hadalka u dhigay.  

Waxa uu yiri “inuu fashilmay wejigii koowaad ee dagaalka dowladda ay kula jirtay kooxdaas,” oo sida uu sheegay ay ka qeyb-galeen dowladaha NATO, gaar ahaan Turkey iyo Mareykanka, sidaas darteedna hadda dalka la keenayo ciidamo Itoobiyaan ah. 

“Xamlada wajigeedii hore markuu fashilmay ciidamadii uu soo tababaray wax tari waayeen wuxuu qaatay Mareykanka in uu Itoobiya dib usoo celiyo, marka wajiga 2-aad ee hadda la sheegayo cidda lagu tashanayaahi oo la rabo in dalka lagu soo celiyo waa Itoobiya,” ayuu yiri. 

“Itoobiya waligeed qorshaha wuxuu ahaa in ay Soomaaliya liqdo oo Soomaaliya dhammaanteed ay noqoto dal ka tirsan Itoobiya.”

La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa dhowaan xaqiijiyey in ciidamada dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, oo aan qeyb ka aheyn ATMIS, ay ka qeyb geli doonaan wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in sababta hadda uu howlgalka hakadka ugu jiro ay tahay in la sugayo imaatinka ciidamadaas, si guluf weyn loo qaado.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee kooxda Al-Shabaab looga saaray wejigii koowaad ee dagaalka, wuxuuna safarka qeyb ka yahay billowga wejiga labaad ee dagaalka.