Daawo: Warshado lagu sameynayay walxo halis ah oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal culus ka fuliyay qaybo ka mid ah gobolka Banaadir, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo lagu sameynayay maan-dooriyaha Calaqa iyo Xashiishka.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay degmada Heliwaa ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay ku beegsadeen xaruntii ugu weyneyd ee lagu sameeyayay maan-dooriyaha.

“Xuruntii ugu weyneyd ee lagu sameynaayay Mukhaadaraadka iyo Calaqa iyo dadkii sameynayay ayaa halkan ku qabanay,” ayuu yiri Macallin Mahdi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gacanta kusoo dhigeen illaa 30 haamood oo ay ku jireen Calaq, 10 warshadood oo lagu sameeyo iyo sidoo kale dadkii lahaa.

“Cawada halkan waxaan ku qabanay 30 haamood oo 26 ka mid ah ay buuxaan, midna ay bar tahay, saddexna ay faaruq tahay iyo 10 warshadood oo lagu sameynayay” ayuu yiri.

Dhankiisa guuddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho,Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan, isla-markaana ay gaari doonaan goobaha kalaabyada ah ee ku dhex yaalla caasimada.

“Goobaha kalaabyada ee gabdhaha iyo wiilasha xaaraanta isugu tegaan iyo meelaha Calaqa lagu gado kuligood waa meelaha bartilmaameedka noo ah,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha iyo kuwa ciyaal-weerada.