Caro ka dhalatay fal lagu gubay kitaabka Qur’aanka

Ankara (Caasimada Online) – Carro xooggan ayaa ka dhalatay fal ay kooxda midig-fog ee dalka Denmarka ay ku gubeen nuqul kamid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, sida ay dhawaan muujiyeen muuqaalo aad ugu faafay baraha bulshada.

Xubno ka tirsan kooxdan oo loo yaqaano Patrioterne Gar Live (The Patriots Go Live) ayaa waxay falkaan ku baahiyeen Facebook Live, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay boorar ay ku qoran yihiin Islaam naceyb.

Falkan Islaam naceybka ayaa waxaa si weyn uga carooday dalal badan oo Muslimiin ah, oo iyagu muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaan, ayna tahay in wax laga qabto ficilada noocaan ah ee daan-daansiga ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jordan ayaa cambaareysay arrintaas, oo ay ku tilmaamtay “fal aan la aqbali karin oo cunsuriyad ah oo kicinaya Muslimiinta, gaar ahaan xilli lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.”

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale oo ka hadashay dhacdadaan waxay ku tilmaamtay “dambi naceyb”, iyada oo sheegtay in Ankara aysan marnaba aqbali doonin tallaabooyinkan noocaan ah.

Qatar oo iyaduna kamid ah dalalka Muslimka ah ee arrintaan ka dhiidhiyay ayaa waxay falalka kooxdan xagjirka ah ku qeexday fal kicin halis ah oo lagu kicinayo dareenka balaayiin Muslimiin ah oo ku nool dunida, xilli lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii Rasmus Paludan oo haysta dhalashada dalalka Denmark iyo Sweden uu nuqul kamid ah Qur’aanka Kariimka ah uu ku gubay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee Stocholm, isaga oo mar kalena masaajid hortiisa ku gubay, falalkaasi oo si weyn uga careysiiyay Muslimiinta.