Sawirro: Danjire Soomaali ah oo booqasho ku tegay Israel

Tel Aviv (Caasimada Online) – Dood xooggan iyo hadal hayn ayaa ka dhalatay booqasho uu Danjire Ciid Beddel Maxamed ku tegay Israel, halkaasi oo uu kaga qeyb-galay shir ku saabsan Iskaashiga Israel, Carabta iyo Afrika.

Ciid Beddel oo mar soo noqday ergeyga Soomaaliya ee QM, ayaa ka qeyb-galay kulan ay soo qaban-qaabisay Xarunta Arrimaha Dadweynaha ee Jerusalem (Jerusalem Center for Public Affairs), kulankaas oo halku dhiggiisu ahaa Shirka Caalamiga ah ee Israel, Carabta iyo Afrika.  

Danjire Ciid Beddel, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay sawirro muujinaya ka qeyb-galkiisa shirka, wuxuuna amaanay heshiiska Abraham Accord ee Israel iyo dalal Carbeed oo dhowr ah sida Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco ay ku aas-aasteen xiriir diblomaasi.

Sida ay ogtahay Caasimada Online, Ciid Beddel wax xil ah iminka kama hayo dowladda federaalka Soomaaliya. 

Hase yeeshee, xildhibaan Cali Saciid Fiqi, oo horey usoo noqday danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub, ayaa xukuumadda ka dalbaday sharaxaad ku saabsan booqashada Ciid ee Israel, iyo haddii ay wax ka ogtahay. 

Booqashadii Danjire Ciid Beddel uu ku tagay Jerusalem waxa ay shaki galisay xildhibaanada Soomaaliya. Waxay jeclaan lahaayeen inay ogaadaan inuu ku tagay Israel heer shakhsi ah ama ogolaanshaha wasaaradda arrimaha dibedda, Ra’iisul wasaaraha ama madaxweynaha. In la dhiso xiriirka dalalka shisheeye waxay u baahan tahay daah-furnaan,” ayuu yiri Cali Saciid Fiqi. 

Dhinaca kale, xukuumadda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin booqashada Ciid Beddel ee Israel. 

Bishan horraanteeda, wargeyska Israel Hayom ayaa qoray in Tel Aviv ay isku dayeyso inay ballaariso heshiiska Abraham Accord, islamarkaana ay kusoo darto dalal ay ka mid tahay Soomaaliya. 

Wargeyska ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen uu wada-hadallo kula jiro dalalka Soomaaliya, Mauritania iyo Indonesia. 

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay marar badan muujisay inay daneyneyso inay xiriir diblomaasi la yeelato Israel, inkasta oo labada dal aysan weligood xiriir yeelan. 

Dowladda federaalka ayaan ka jawaabin warbixinta wargeyska, hase yeeshee sanaddii tagtay, mar ay soo baxeen warbixino noocan ah waxaa beenisay Villa Somalia.