Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska oo xalay howlgal culus ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay rag dhac ka waday degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.
Ragga lasoo qabtay oo ahaa laba nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Faysal Maxamed Xaashi iyo Saalaad Cali Cusmaan waxaan lasoo qabtay, iyaga oo dhacayay dad shacab ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.
Raggan ayaa xilligaas adeegsanayay mooto Fekon ah iyo bistoolad caag ah si ay shacabka ugu cabsi geliyaan, kadibna uga qaataan taleefoonnada iyo agabyada kale ee muhiimka ah.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Xamar Jajab ayaa gacanta ku soo dhigay laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Faysal Maxamed Xaashi iyo Saalaad Cali Cusmaan, kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo dhac u geysanaya muwaadin Soomaaliyeed, isla markaana adeegsanayay mooto Fekon iyo bistoolad caag ah” ayaa lagu yiri qaraalka.
Sidoo kale Booliska ayaa intaasi kusii daray in raggan laga qaadi doono tallaabo adag, isla markaana la horgeyn doono maxkamaddda ku shaqada leh.
“Eedeysanayaasha ayaa ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gudaha Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay habeen hore oo ay Kaaraan kusoo bandhigeen kooxo ciyaal weero ah iyo rag kale oo ka ganacsayay waxyaabaha maanka dooriya.
“Xashiishka iyo weerada dadka lagu soo qabtay degmadaan kama sii soconeyso cid laga yeelana habayaraatee ma jirto”, ayuu yiri guddoomiyaha degmada Karaan Maxamuud Socdaal oo xilligaas qayb ka ahaa howlgalka.
Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray “Hooyooyinka waxaa laga rabaa laba midkood waayay ilmaha lasoo qabto in aysan ka daba imaanin amaba marka hore inay ceshtaan kow iyo toban saac inay weero bilabaan markii ilmihiina lasoo doonana lix saac habeenimo aa ka daba imaataan cid laga akhrinaasyo maleh ”.
Muqdisho ayaa muddooyinkan ka caganeyd ciyaal weerada iyo falalka kale ee amni darrada, kadib qorshayaal amni sugid ah oo ay la timid dowladda, kuwaas oo hirgalay.


