Howlgal culus oo xalay laga sameeyey gobolka GEDO

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay howl-gallo ballaaran ka sameeyey qaybo ka mid ah gudaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah.

Howl-gallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey xaafadaha degmadaasi, ayada oo ciidamadu ay gurgur u baarayeen goobaha ay tageen.

Sidoo kale ciidamada ayaa baaris ku sameynaya darawaladda gaadiidka ee isticmaalaya waddooyinka ku yaalla magaaladaasi.

Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad, Gaashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howl-galladan, wuxuuna tilmaamay in dadka lasoo qab-qabtay baaris lagu sameeyey, isla-markaana qaarkood lagu sii daayey damiin.

Warfaa ayaa ujeedka howl-galkan ku sheegay mid lagu xaqiijinaya amniga Garbahaarey, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya, ayada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay falal liddi ku ah amniga iyo weeraro ay ka dhacayeey gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Garbahaarey ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Shacabka oo laga dareemayo magaaladaas.