Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya oo noqday kii ugu dhimashada badnaa caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciidamada hawlgalka uga dhintay iyo kuwa uga dhaawacmay Soomaaliya.

Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gudaha Soomaaliya in ka badan 16-sano kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab, waxaana howlgalkaan ka soo gaaray khasaare lixaad leh oo aan horay ugu dhicin ciidan dal kale loogu diray nabad ilaalin.

Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine khasaaraha gaaray ciidanka ATMIS ku shaaciyey waraysi uu siiyey barnaamijka Galka Baarista eek a baxa Idaacadda VOA.

Ergeyga ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen ilaa 4,000 oo askari oo AMISOM ama ATMIS looga dilay ama looga dhaawacay gudaha Soomaaliya, 16-kii sano ee nabad ilaalinta ay iu joogeen.

Madaxa Midowga Afrika ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 3,500 oo askari lagu dilay Soomaaliya, halka inta kale ay la noolyihiin dhaawacyo ka soo gaaray weerarrada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in ciidanka uu khasaaraha ugu badan soo gaalay waayihii ay ku cusbaayeen Soomaaliya ee howlgalku uu bilowga ahaa, iyadoo kiisaska qaar aan si saxan loo diiwaan gelin oo suurta gal ay tahay inay jiraan askar la dilay oo aan diiwaanka lagu darin.

Sidoo kale madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu sheegay in khasaaraha dhimasho ee soo gaaray ciidanka ATMIS ay saraakiishu ku qiyaasayaan 5,000 oo askari, markii la isku biiriyo qiyaasta iyo tira koobka saxan ee la hayo.

Waxaa fashilmay qorshe uu howlgalku doonayey in wadan kasta uu soo gudbiyo tirade saxda ah ee askarta looga dilo Soomaaliya, maadaama wadamada qaar aysan dooneyn inay sheegaan tiro rasmi ah.

80-kii sano ee lasoo dhaafay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu noqday kii ugu dhimashada badnaa ee soo gaaray ciidan nabad ilaalin loogu diro dal ka tirsan dunida.

“Soomaaliya waa u qalantaa in loo dhinto oo qaan kuma ahan ciidankaan, waxay Soomaaliya xornimo qaadatay 60-kii, kadibna waxay ka qeyb qaateen xornimo gaarsiinta wadamo badan oo Afrikaan ah, sidoo kale waxay Soomaaliya wadamada Afrika ka taageertay tababarrada ciidanka iyo waxbarashada, marka waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay u qalanto garab istaag intaan ka badan,” ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa ka qeyb galay barnaamijkaan, isagoo isna ka hadaya ciidamada dhintay iyo weliba hawlgallada milatari ee soo socda.

La-taliye Xuseen wuxuu sheegay in howlgalka Midowga Afrika ay Soomaaliya u heyso abaal weyn, isla markaana ay Soomaaliya abaalkaas ku gudi karto in natiijo rasmi ah laga gaaro howlgalkaan.

Ciidanka ATMIS wuxuu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray weerarro toos ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada Leego, Ceel-cadde, Ceel-baraf iyo saldhigyo kale oo khasaare baaxad leh loogu geystay ciidankaan Soomaaliya uga howlgala magaca Midowga Afrika.

Hoos ka dhageyso barnaamijka Galka Baarista