Xasan Sheekh oo dalab muhiim u ah dagaalka Shabaab hordhigay António Guterres

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarunta madaxtooyada qaranka kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee QM Mudane António Guterres oo booqasho kusoo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu hordhigay dalab muhiim ah oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xasan ayaa waxa uu ka dalbaday Xoghayaha Guud ee QM Mudane António Guterres inay kordhiyaan maal-gelinta xasaasiga ah ee QM ka sameynayso deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, si uu hore ugu sii socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda.

“Waxaa haatan wada-shaqeyn la leenahay bah-wadaagta kale oo naga garab siinaya barnaamijyada xasilinta, si deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ugu soo celino nidaamka dowliga ah, waxaan ka rajeynayna QM inay kordhiso maal-gelinta xasaasiga ah ee ka sameynayso deegaanada aan xoreynay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu  Guterres la-wadaagay horumarka ay sameynayso Soomaaliya, gaar ahaan guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta.

“Mudane, Soomaaliya xilligaan waxay sameynaysa horumar, hore ayaa u socona marka laga hadlayo jihada amniga. Dowladda Soomaaliya waxay dalkeeda ka xoreynaysa gabood falada argagixisada caalamiga oo muddo ka badan 10 sano dhib ku hayay shacabka Soomaaliyeed.”

Xasan Sheekh ayaa intaas kadib waxa uu ka dhawaajiyay in lasoo gaaray xilligii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran in ka badan 31 sano, ayna Qaramada Midoobay kala shaqeynayaan sidii uu dalkeena u gaari lahaa yoolkaasi muhiimka ah.

“QM waxaa kala shaqeynayna sidii dalkeena looga qaadi lahaa xayiraada hubka, waxaan qabaa inay tahay xilligii saxda ahaa ee Soomaaliya laga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka, waxaan QM kaga mahad-celineyna taageerada aad arrintaan naga siineysaan. Gaar ahaan xubnaha Golaha Ammaanka oo garowsaday in Soomaaliya ay soo gaartay heerkii laga qafiifin lahaa cuna-qabateyntan, taasi oo na-caawisay.”

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa waxa uu bogaadiyay booqashada uu dalka kusoo gaaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo shaaciyay inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.