Al-Shabaab oo odayaal ‘garab u ahaa’ ku xir-xirtay degmada JILIB + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xir-xirtay odayaal daacad u ahaa oo markii hore usoo aruurin jirey lacagaha ay ku sheegaan Zakawaadka ah ee ka qaadan deegaanada ay gacanta ku hayaan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Xariga ay kooxda Al-Shabaab kula kacday odayaashan ayaa sii kordhay 48 saac ee u dambeysay, waxaana la sheegay in odayaashan ay kasoo kala jeedaan gobollada Hiiraan iyo Koonfur Galbeed.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay magacyada laba kamid ah odayaasha la shaqeyn jiray Al-Shabaab ee kooxdu xiratay, kuwaasi oo lagu kala sheegay Maadey, Sidowjiis iyo odayaal kale oo dhaqan ahaan ay u sameysatay kooxda Al-Shabaab.

Odayaashan ayaa eedeynta u weyn ee kooxda u xiratay ayaa ah inay ka gaabiyeen sida ay daacada ugu ahaayeen, si gaar ahna lacagihii ay uga soo aruurin jireen dadka ku qabiilka ah, maadaama ay xilligaan kooxdu aad ugu baahatay dhaqaale xoog leh, xilli uu socdo dagaal ka dhanka ah.

Warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in amarka lagu soo xiray odayaashan uu bixiyay horjoogaha kooxda Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka, Abuu Cabdalla oo magaciisa hore uu ahaa Xiiray, kana soo jeeda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Odayaasha uu xir-xiray Abuu Cabdalla ayaa la sheegay inay qaarkood isku hayb yihiin, uguna hanjabay inuu dili doono. Ninkan ayaa waxa uu xariga odayaashan u xil-saaray horjoogaha Maaliyadda kooxda Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka oo lagu magacaabo Cabdiqafaar.

Cabdiqafaar ayaa isagu toos u hoostaga oo u adeegaya horjoogaha guud ee Maaliyadda kooxda, Cabdikariin Horseed oo isagna deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Odayaashan ayaa la sheegay in laga raba inay lacagaha uga soo aruuriyaan beelaha ay kasoo jeedan sida ay hore u sameyn jireen, ama ifka laga qarin doono, sida ay ugu hanjabeen horjoogayaasha kooxda.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu ku billowday dagaalka ka dhanka ah, oo qeyb ka yahay midka dhaqaale ayaa wajaheysay culeys dhaqaale oo baahsan, iyada oo mar lasoo wariyay in si weyn uu hoos ugu dhacay mushahaarkii ay siin jirtay dagaal-yahaanadeeda.