DF Soomaaliya oo wada-xaajood cusub la yeelatay wakiilo ka socda Ruushka

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa wada-xajood la yeeshay wakiilo ka socday dowladda Ruushka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa furitaanka shirka kadib, si gaar ah kulamo ula qaatay madaxda hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta, kuwaasi oo ku qotomay horumarinta dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dr. Cilmi ayaa waxa uu wada-xaajood la yeeshay wakiilada ka socday Ruushka oo kamid ah dowladaha deynta ku leh Soomaaliya, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay usocday wada-hadal ku saabsan cafinta deynta Ruushku ku leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta xafiiska Bangiga Adduunka ee (Africa G1) Dr.Floribert Ngaruko oo ay ka wada-hadleen arrimaha dib-u-habeynya maaaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa kale oo kulan doceed la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Afrika ee Hay’adda Maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Sérgio Pimenta, waxayna wada-hadalkooda diiradda ku saareen sidii IFC ay u maal-galin laheyd ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee bulshada Soomaaliyeed.

Isku soo wada duubo, shirka sanadlaha laha ah ee guddiga sare ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona muddo toddobaad ah, waxaana jiri doono kulamo diiradda lagu saari doono xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanado badan dadaal ugu jirtay deyn cafinta dalka, oo horumar ballaaran laga sameeyay, waxaana barbar socda qorshe ay dowladda ku qaadaneyso deyn kale oo balaayiin doollar ah, si uu dalka u gaaro isku filnaasho dhaqaale.