Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya oo ka hadlay heshiiska BADDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Atalanta oo ka howlgala Xeebaha Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta qabtay shir jaraa’id, isagoo ka hadlay xaaladaha ka soo kordhay Badda Cas ee weerarrada Xuutiyiinta iyo sidoo kale heshiiskii badda Itoobiya iyo Somaliland.

Admiral Ignacio Villanueva oo ku sugnaa Muqdisho tan iyo 22-kii bishaan ayaa kulamo la yeelanay mas’uulinta dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo kala hadlaya xaaladaha soo kordhay ee afduubka maraakiibta iyo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Howlgalka Atlaanta oo soo bilaawday 2008, si looga hortago weerarada burcad badeeda ee xilagaas ka dhaci jiray xeebaha Soomaaliya ayaa guuleystay oo waxa laga adkaaday burcadii, balse todobaadyadaan Xutiyiibta ka dagaalanta Yemen ayaa afduub ka bilowday badda Cas.

Admiral Ignacio Villa mar la weydiiyay sida uu howlgalkooda u arko xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan damaca badda ee Itoobiya, ayaa wuxuu sheegay in arrimahaas aysan qeyb ka ahayn howlgalkooda, balse uu rajeynayo in qaab wadaxaajood ah lagu dhammeeyo xiisadda.

“Waa su’aal wanaagsan, waana inaan halkan ka taxaddaraa sababta oo ah shakhsi ahaan, anigu waxaan ahay oo keliya Taliye Hawlgaleed, markaa taasi waxay la macno tahay in shaqadaydu ku kooban tahay hawlgallada, waanse la socdaa xiisaddaas aad sheegtay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin waxaan rajeynayaa in wadahadal iyo wada-tashi lagu dhammeeyo xiisadahaas,” ayuu yiri Admiral Ignacio.

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya aysan howlgalkooda saameyn ku yeela doonin.

“Ma filayo in ay saamayn ku yeelato qorshahayaga, ma ahan, waxaan filayey inaysan saameyn ku yeelan doonin qorshahayaga, waan sii wadi doonaa qorshahayaga, aan ku celiyo mar kale wixii Midowga Yurub hore ugu sheegay in golayaasha kala duwan ee ah, in midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay muhiim noo tahay, kolkaa ma filayo in ay wax saameyn weyn ah nagu yeelato, waxaana rajeynayaa in xiisadahaas ay meesha ka bixi doonaan dhawaan, iyada oo loo marayo wadahadal iyo gorgortan,” ayuu yiri.

Dhanka kale, mar wax laga weydiiyay weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku hayaan maraakiibta marta Marinka Baabul Mandab waxa uga qorsheysay ayuu Ignacio sheegay in ay iyaga hadda xoogga saari doonaan un xeebaha Soomaaliya, “howgalkeenu wuxuu ku egyahay xeebaha Soomaaliya oo aysan qeyb ka ahyan howlgalka Badda Cas ee ka dhanka ah Xutiyiinta.”

“Hadda, qorshahaygu waxa uu ku egyahay wixii naloo tilmaamay oo keliya, markaa aniga waxaa la ii igmaday oo keliya Soomaaliya, waxaana jiri doona hawlgal kale oo Midowga Yurub ah oo dhowaan dhici doona kaas oo wax ka qaban doona Badda Cas iyo khatartaas ka taagan, markaa taasi waa mustaqbalka, aad ayaana ugu faraxsanahay, sababtoo ah hadda waxaan si dhab ah awoodda u saari karaa Soomaaliya iyo baahiyaheeda amniga badda.” Ayuu yiri Ignacio.

BBC