Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in Xasan Sheekh uu soo weerari lahaa ee uusan…

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi cusub bixiyay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ictiraafka Somaliland ka xigo geeri, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markale difaacay heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen isaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

“Heshiiska dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya wuxuu ahaa heshiis ku saabsan danaha labada dal. Madaxweyne kastaa danta dadkiisa ayuun buu u adeegaa. Itoobiya waa dal aan bad lahayn oo dadka ugu tirada badan ee Geeska Afrika ku nool yihiin, dhaqaalihiisuna uu aad u koraayo. Sidaas darteed, waynu ognahay inay muddadba ku taamaysay inay hesho deked,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay in ka badan 30 sano raadineysay ictiraaf, ayna xaq u leedahay in ay bad kiro ah ku bedelato ictiraafka ay mudada badan raadineysay, sida uu hadalka u dhigay.

“Somalilandna muddo dhawr iyo soddon sannadood ah waxay raadinaysay ictiraaf. Markaa markii aanu wadahadalnay isaguna (Abiy Ahmed) bad buu u baahday annaguna ictiraaf taas ayuu ku fadhiyaa heshiiska isfahamka ah in ciidankooda badda laga kireeyo saldhig badda ah oo ay degaan, Itoobiyana ay noqoto dalkii u horreeyay ee Somaliland ictiraafa labadaas qoddobna ay mar wada dhacaan, labadaas qoddob ayaa saldhig u ah heshiiska wixii kale waa iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, nabadgelyada iyo isbeddelka cimilada.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in cadaawada Soomaaliya u hayso Somaliland uu banaanka keenay madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii heshiiskan xad-gudubka ah la saxiixay, xilli dhawaan ay dowladda federaalka ay Hargeysa ka celisay diyaarad siday wafdi Itoobiyaan ah.

“Waxa dareenka Soomaaliya ku jira Xasan Sheekh ayaa muujiyay imika, malaa hub uun baanu haynine wuu ina soo weerari lahaaye waadiga arkaya waxa ka dhacaya ninkaas oo Somaliland baa la ictiraafayaa geeri buu ka xigaa waanay ka siman yihiin oo dhammaantood waa kuwii isku raacay,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dad baa yidhaahda gaallo ayaa ina qabsanaysa, Soomaalida Itoobiya degani tiro ahaan waa qowmiyadda saddexaad Axmaarada iyo Oromada uun baa ka badan. Waad arkaysaa labaatankii sannadood ee la soo dhaafay horumarka uu gaadhay deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidan yar oo aynu xeebteenna soo dejina ayaa ina gaalaynaya cidda lihina waa caqliga xagjirka.”