Sawirro: Muxuu Xasan kala hadlay taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM?

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay General Michael E. Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Madaxweynaha iyo Taliyaha waxay ka wada hadleen dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah, laguna xoojinayo wax soo saarka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale waxay si qota dheer u gorfeeyeen iskaashiga amniga iyo arrimaha kale ee amniga gobolka ee danaha labada dhinac quseeya, waa Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Taliyaha AFRICOM kala hadlay duqeymaha iyo howlhallada ka dhan ka ah Al-Shabaab ee ciidmaada Mareykanka ay ka garab siiyaan ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo muhiim u ah Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Taliska AFRICOM ka codsaday inay laba jibaaraan beegsiga Al-Shabaab, si ciidamada Soomaaliya ay uga guuleystaan kooxda Al-Shabaab oo dagaal culus ay kula jiraan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Kulanka Madaxweynaha iyo Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli maanta uu dhacay mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa, kadib markii Al-Shabaab ay saakay waaberigii weerareen magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Dagaal ba’an ayaa maanta ka dhacay Caad, in kastoo aan la helin xog rasmi ah, hadana waxay saraakiishu noo xaqiijiyeen inuu jiro khasaare culus, Al-Shabaab waxaa u suurta gashay inay gudaha u galaan Caad, balse duqeyn iyo dagaal toos ahaa ayaa looga saaray goor dambe.

Mareykanku wuxuu ka mid yahay dowldaha sida dhow Soomaaliya uga caawiya dagaalka Al-Shabaab, taas oo muhiim ka dhigeysa in madaxda Soomaaliya ay mar kasta taageero dagaal weydiisyaan Mareykanka, maadaama aysan Soomaaliya laheyn diyaarado furiya duqeymo ka dhan ah argagixisada ay dhulka fog kula dagaalamayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed.