Howlgallada Gedo oo guulo laga gaaray xilli Al-Shabaab aysan iska caabin sameyn

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka wada deegaanada ka baxsan Degmooyinka Gobolka Gedo, iyadoona yoolku yahay in la isu furo wadooyinka degmooyinka iyo deegaanada.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay hawlgalada ka bilowday gobolkaasi.

“Gobolada Koonfurta Somaliya waxaa ka soconaya hawlgalo isugu jira kacdoon shacab iyo dib-u-xoreyntii Ciidamada Qalabka Sida. Gobolka Gedo markaan u soo dhaadhaco toddobaadkii la soo dhaafay iyo midkanba hawlgalo baan ku jirnay, kuwaa oo ka socda deegaanada ku dhow dhow Degmooyinka Baardheere, Buurdhuubo, Garbahaarey, Beled Xaawo, Luuq iyo Doolow. Ciidamadii maanta ka baxay Garbahaarey iyo kuwii kale ee ka yimid Beled Xaawo waxay isugu taggeen aagga Cara-case. Degmada Ceelwaaq oo ugu dambeysay maanta ayay hawlgaladu ka bilowdeen, sidaasi ayayna hawlgaladu u soconayaan,” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta gudaha ayuu sheegay illaa iyo hadda inaanay ciidamo wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al-Shabaab, isagoona tani u sababeeyay Shabaabka oo aan gobolka ka joogin goob loogu hagaago amaba lagu weerari karo.

“Illaa iyo hadda ciidamadu wax iska caabin ah lama aysan kulmin, nimanku rug ay degan yihiin oo lagu weeraro ma jirtee, meeshii ayaga nin ka mid ahba lagu sheego ciidan baa loo dirayaa. Hawlgalada hadda gobolka ka socdana waa mid wadooyinka la isugu furayo. Insha’Allah waxaan sida ugu dhakhsiyaha badan rajeynaynaa in wadooyinka la isugu kala gudbo, dhammaan dhulkeenuna uu cadowgu ka dhamaado,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaad ogtihiin in toddobada degmo ee gobolku ka kooban yahay ay xor yihiin oo Ciidamada Dowladda ayaa gacanta ku hayo. Nimanka meelo ay ka ugaarsadaan baa jiro oo duurka ah, deegaanada hawdka baana laga xoreynayaa, hadafkuna waa waddo furid weeye.”

Aadan Rufle ayaa yiri “Waxa aan la dagaalamayno waa argagixiso caalamiya, aalad qaraxdana isticmaalo, ummadana lagu dhex beeray oo shacabka ayay ku dhex dhuumanayeen, waxaase marxalad is bedel ah in shacabka Soomaaliyeed ay kaceen, nimankaasina ay ka horyimaadeen. Waxaanu rajeynaynaa shacabka Soomaaliyeed oo kacay, shacab kacay muraadkii mowluhu ma diidee in looga faa’iideysto la dagaalanka cadowga.”

Korneyl Rufle ayaa xusay inay soo dhaweyn doonaan xubnaha Shabaabka ee garta inay isa soo dhiibaan, kuwa kale ee ka dhega adeegana uu halaag u dambayn doono.

“Waxaan rajeynaynaa nimanka cadowga ah wixii garta inay isa soo dhiibaan, si dadka looga badbaadiyo, wixii halaag u qoran yahayna in la soo afjaraa rajeynaynaa,” ayuu yiri Rufle.