Putin oo dhalasho siiyey ninkii faafiyey sirta Mareykanka

Moscow (Caasimada Online) – Sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxtooyada ee Ruushka, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa dhalashada dalkaas siiyey Edward Snowden oo u shaqayn jiray hay’adaha sirdoonka ee dalka Maraykanka.

Snowden ayaa ka mid noqday 75 qof oo ajaanib ah oo la siiyey jinsiyadda dalka Ruushka, sida lagu sheegay warka ka soo baxay dawladda Ruushka.

Snowden oo ahaa qandaraasle ka tirsan hay’adda sirdoonka Maraykanka, ayaa tan iyo sannadkii 2013 wuxuu ku noolaa dalka Ruushka, isaga oo ka dhuumanayey inuu u gacan galo saraakiisha Maraykanka, kadib markii uu faafiyey xogo sir ah oo si faahfaahsan uga hadlaya barnaamijyada basaasnimada ee Maraykanka.

Sannadkii 2020 ayaa Snowden la siiyey deganaansho rasmi ah, isagoo xilligaas sheegay inuu qorshaynayo inuu codsado dhalashada dalka Ruushka, isaga oo aan ka tanaasulin dhalashadiisa Maraykanka.

Wargayska The Guardian oo ka mid ahaa wargeysyada la siiyey ee sii faafiyey xogta uu uu bixiyey Snowden ayaa daabacada in sirdoonka Maraykanka ay dhagaysteen dad dhowr milyan gaaraya telefoonno ay leeyihiin.  

Macluumaadka uu bixiyey Snowden ayaa xiisad ka dhex dhaliyay Dowladaha reer galbeedka, bacdamaa Sirdoonka Mareykanka la sheegay inay dhageystaan Telefoonada gaarka ah oo ay isticmaalan madaxweynayaasha ugu tunka weyn Yurub. 

Ilaa 30 safaradood ayaa la sheegay inay basaasayeen sirdoonka Maraykanka. Waddamada la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah Faransiiska, Talyaaniga, Greeg iyo waddamo aan Yurub ahayn sida Japan, Koonfur Koreya iyo Hindiya.

Safaarada Midowga Yurub ee New York iyo Washington ayaa la sheegay in la basaasay.