Howl-gallo laga sameeyay KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas laga sameeyay howgallo dad badan lagu soo qabqabtay kaddib markii qarrax miino uu ka dhacay xaafada Calanleey ee magaaladaas.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa noo sheegay in howgalka ay sameenayeen ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba kuwaasoo xaafadaha ku dhowdhow goobta uu qarraxa ka dhacay dad ka soo qabqabtay.

Inta la ogyahay seddax ka tirsan askarta maamulka Axmed Madoobe ayaa ku geeriyooday qarraxa sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Ammaanka magaalada ayaa caawa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan oo gaaf wareegaya sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ma wanaagsaneen waayihii dambe waxaana magaalada ka dhacay qarraxyo iyo dilal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com