Muqdisho: Haween meel sare maanka ku haya oo shirar xasaasi ah leh

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxa ka socda shirar ay leeyihiin haweenka, kuwaas oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee dumarka iyo sidii ay u tiigsanlahaayeen doorashooyinka 2016-ka oo ay doonayaan inay u tartamaan xilalka sare ee dalka sida madaxweyne, ra’isul wasaare, iyo afhayeenka baarlamanka.

Xaliimo Yareey oo ka mid ah haweenka u ololeeya xuquuqda dumarka Soomaaliyeed ayaa BBC-da u sheegtay in ay doonayaan siddii ay uga dhex muuqan lahaayeen siyaasadda dalka.

Waxa ay sheegtay in dumarka ku nool dibedda ay ku howlan yihiin siddii ay wax u baran lahaayeen, siddaas darteed xoog badan oo dumarka ayaa dalka ku soo wajahan waana in la soo dhaweeyaa” ayey tiri.

Waxa ay sheegtay marka la tago xawaaladaha in dadka ugu badan ee wax soo dira ay yihiin dumarka Soomaaliyeed ee dibedda ku jirta.

Waxa ay sheegtay in xisbi kasta haddii uusan ku darin dumarka in uu ogaan doono nusqaamid soo wajahda.

Waxa ay sheegtay in dhibaatada ugu ballaaran ay kala kulmayaan odayaasha dhaqanka, sidaas darteedna waxaan rabnaa in aan dhex galno.

“Caqabada ugu horreysa ee na hor taagan waa Odayaasha dhaqanka, waxa ay aamisan yihiin in wiil haddii uu dhasho uu soo dhicinaayo Geel, uu noqonaayo sarkaal Boolis,ma oga in arruntu ay noqotay aqoon, gacan la taagayo ma ahan in qorri la isku heesto” ayey tiri Xaliimo Yareey.

Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in shirarkii ka dhacay Garoowe iyo Gaalkacyo in dumarka laga weeciyay qoondadii loogu talagalay markii la soo dhisaayay baarlamaanka oo ay ahayd in la siiyo 30%.

“Lixdii saxiixayaal ee ku shiray Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa naga weeciyay qoondadii nala siiyay ee 3o% waa arrin taarikhda ay xusi doonto” ayey tiri Xaliimo Yareey oo ka mid ah saraakiisha dumarka ee ururada haweenka u doodda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com