Gabadhii ugu horreysay ee SOOMAALI ah oo ka mid noqotay booliska St. Paul

St. Paul ( Caasimada Online) Sidda ay qoreen Jaraa’idka Dalka Maraykanka, Gabar Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ku biirtay Booliska magaalada Saint Paul ee dalka Maraykanka.

Khadro Maxamed ayaa Sabtidii shaley loo aqoonsaday gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ku biirtay Booliska magaaladaas, kaddib markii ay ka qalin jabisay xarunta East African Junior Police Academy.

Khadro ayaa ka baxday dugsiga Sarre ee Central High School sannadkii 2010.

Khadro oo 21-jir ayaa sheegtay in in ay dooneyso door ku yeelato dumarka ku dhaqan magaalada Saint Paul gaar ahaan kuwa dumar.

“Dhaqanka Soomaalida, Dumarka iskuma taxluujiyaan in ay noqdaan Saraakiil Boolis”sidaas waxaa tiri Khadra Maxamed.

Sheekada kale ee warbixintan ay wadato ayaa ah gabadhan waxa ay xiran tahay Xijaab, waana dhaqan aad looga aqoon dalkan Maraykanka.

Khadro Maxamed oo loo aqoonsatay Booliska St. Paul
Khadro Maxamed oo loo aqoonsatay Booliska St. Paul

Khadro ayaa loo aqoonsatay in ka mid noqoto booliska degmada Western Distric, kaddib markii ay ka qalin jabisay
xarunta East African Junior Police Academy.

Madaxa booliska Thomas Smith ayaa sheegay in magaalada Washington, D.C iyo St. Paul ay yihiin magaalooyinka loo oggol yahay in dumarka ay qaataan Xijaabka, balse waxaa soo badanaya walaaca laga qabo ee ah in burcada ay ku ceejiyaan marka ay gacanta isla tagaan.

Balse booliska ayaa hab kale u sameeyay Xijaabka ay wadato Khadro taasoo ah in boolal loo sameeyay marka uu qorka ku dhago.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington, D.C

Caasimada@live.com