34 jir SOMALI ah oo loo haysto geerida 366 Qof oo lagu eedeeyey inuu dilay

Roma (Caasimada Online) – Maxamuud Muxidiin oo ah wiil Soomaaliyeed oo 34 sano jir ah ayaa waxaa maxkamadeyntiisa ay ka bilaabatay maxkamad ku taala magaalada Agrigetnto ee dalka Talyaaniga, kadib markii lagu eedeeyay dadkii qaxootiga ahaa ee ku dhintay bishii October sanadkii lasoo dhaafay xeebaha jazeerada Lampedusa ee dalka Italy.

Mid ka mid ah dacwad oogayasha maxkamada dalka Talyaaniga ayaa sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed lagu eedeynayo arimo ay kamid yihiin dad sharci daro ku dalay Talyaaniga iyo geerida 366 ruux oo Lampedusa ku dhintay sanadkii lasoo dhaafay.

Wakaalada dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in qaarkamid ah muwaadiniin u dhalatay dalka Eritrea ay hortageen maxkamada ay ka dhacday dacwada muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxaana la sheegay inay goobta ka cadeeyeen in Maxamuud Muxidiin uu jirdil iyo handadaad u geystay qaar kamid ah dadkii ka badbaaday doontii ku degtay Lampedusa.

Ciiddanka Ammaanka ee Talyaaniga waxay Eedeysanaha Mohamoud Muhidin iyo nin Falastiini soo qabteen bishii December ee sannadkii hore, kadib, markii la soo far muuqay isagoo ku sugan Xero lagu hayo Muhaajiriinta soo gala dalka Talyaaniga.

Caasimada Online
Xafiiska Roma
Caasimada@live.com